Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed cabdi xaashi oo ay ay wehliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlaanka Galmudug iyomasuuliyiin ka tirsan kuwa maamulka Gobalka mudug ayaa maanta laguwareejiyay Gadiid dagaal oo gaaraya ilaa afar gaari oo ah kuwa qoryuhuku rakiban yihiin kuwaasoo oo ay horay u heeysteen maleeshiyo beeleed.
Munaasabada hubkaan lagu wareejinayay ayaa ugu horeeyn waxaa ka hadlayqaar ka mida waxgaradkii iyagu dadaalka usoo galay in hubkaan
laguwareejiyo Dowlad Gobaleedka Galmudug waxaana faah faahin ka bixiyeentirada Gadiidka iyo maleeshiyaadka watay
Qalabkaan aad ujeedaan iyo ciidankaan beesha farale ee sacad ayaa iska lahaa waa ciidan beeleed hubka ay wataaan anagaa gadanay maamul nama siin cid kale nama siin anagaa jeebkeena ka gadanay Maanta laga bilaabana waxaan ku taageernay maamulka oo aan ku wareejinay waana 95nin baabuurtuna waa kuwaas waaafargaari anaguna waa la shaqeeyneeynaa”
”Mudanayaal anagoo dhamaanteen idin salaanay waxaan halkaan u taaganahay in aan idinku wareejino hubkaan iyo ciidankaan oo horay maamulka ugula shaqeeyn jiray qaab beeleed balse haatan aan jeclaanay inaan maamulka si rasmi ah ugu wareejino oo ay ka mid noqdaan hubka iyo ciidanka Dowlada ee lagu difaacayo dalka iyo dadka waana idinku wareejinay mudane madaxweyne ku xigeen adiga iyo xubnaha kale ee dowlada ayeey yiraahdeena

The post Daawo sawiro:Beel Kamid Ah Beelaha Galmudug Oo Ciidamadeeddii Ku Wareejisay Madaxweyne Ku xigeenka appeared first on Awdalpress.com.








