Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Arinta Siyaasadaysan ee Diwaangalinta Goboladda Waqooyi ay ka wado Soomaaliland oo Calaamadihii ay ka Taageen Laascaanod la BurBuriyey Daawo Sawiradda

$
0
0

Wararka shabakada Awdalpress.com ka helayso xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ay ku sugan yihiin Ciidamadda Soomaaliland ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe dhulka lala simay Tabeelayaal ay wadada qarkeeda ka taageen Soomaaliland iyo xubnaha daacada u ah waxa loogu yeedho diiwaangelinta, taasoo dadka lagu siinayo Jinsiyadda Soomaaliland isla markaana Caalamka loo Tusayo Dadka Waqooyi Degan in ay ISaaq yihiin kolka lagaga qaadayo farahooda oo la sheegay in dadka ka soo jeeda goboladda Beesha Dhulmahante ee farahooda la qaado lagu sheegayo meesha ay ka soo jeedaan halka qaarna farahooda loo gudbinayo dalalka Yurub si hadii qof tahriibo dib loogu soo celiyo Hargaysa.
Tabeelayaashan oo maalmahanba ay ololihiisa wadana kooxda Soomaaliland iyo kooxo kale oo ka soo hore jeeda oo u diidaya, waxana wararku sheegayaan in xalay saqdii dhexe la burburiyey gebi ahaantoodba, ayadoo sawiradan aad ka arki kartaan markii hore sideey ahaayeen iyo hada oo ay dhulka la simeen shacabka Beesha Dhulmahante ah ee gobolka ku sugani.
Arintan ayaa muujinaysa sida dadka Beesha Dhulmahante u diidan yihiin afcaasha isir wareejinta ah iyo kala goynta dalka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliyeed.
1
2
34
Awdalpress.com
Haashi Mahamuud Ahmed
FINLAND

The post Arinta Siyaasadaysan ee Diwaangalinta Goboladda Waqooyi ay ka wado Soomaaliland oo Calaamadihii ay ka Taageen Laascaanod la BurBuriyey Daawo Sawiradda appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images