“Badhasaabku Dhawr Jeer Buu Igu Soo Amray Inaan Joojiyo Qaban Qabada Shirka Waxaanu Igu Yidhi, Waxa Laygu Soo Amray Inaad Xilka Wareejiso Isagoo Ciidan Wata” Gudoomyaha Degmada Agabar Axmed Yuusuf Adeero
Hargeysa – Awdalpress – August 16, 2013 - Badhasaabka gobalka Gabiley Yuusuf Ibraahin Geedi (Yamaarug) ayaa ku guul daraystay kadib markii isaga oo ciidammo hoggaaminaya uu isku dayey inuu xilka ka wareejiyo guddoomyaha degmada Agabar Axmed Yuusuf Jaamac (Adeero).
Guddomiyaha ayaa sheegay inuu gaashaanka ku dhuftay dhawr jeer oo badhasaabku ku soo amray inuu joojiyo qaban qaabada shirka beesha Sacad Muuse uga furmaya toddobadka soo socda deegaankaasi Agabar. Xiisaddan cakirani ayaa ka dhalatay tuulada Agabar, kadib markii uu shalay soo galay Badhasaabka gobalka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi (yamarug) isagoo wata saddex gaadhi oo ciidanka RRU-da ah oo xiisad cakirani ka dhalatay kadib markii uu guddoomiyaha degmadu Agabar Axmed Adeero uu ku tilmamay talaabo qayru sharciya oo aanu isagu xaq u lahayn xil ka qaadistiisa, isla markaana aanu aqbalayn inuu xoog ciidan xilka ku wareejiyo. Guddoomyaha Agabar Axmed Yuusuf Adeero oo xalay Warbaahinta la hadlayey isaga oo jooga degmada Agabar ayaa waxa uu yidhi “Waxaa degmada Agabar maanta soo gaadhay saddex gaadhi oo ciidan ah oo isugu jira ciidanka RRU iyo bilayska caadiga ah waxaana watay badhasaabka gobalka Gabiley Yuusuf Yamaarug waxaa uu igu yidhi waxaan amar ku qabaa in xilka si dhaqso ah u wareejiso ujeedada ciidankan loo keenayna waa mid lagu doonayo in shirka beesha Sacad Muuse ee lagu qabanayo Agabar lagu joojiyo, dhawr jeer ayuu badhasabka Gabiley igu soo amray in aan shirkaa beesha Sacad Muuse”. Waxaa kale oo ilo wareedyo aanu ka helnay deegaankaasi ay sheegayaan in xalay qoraal ka soo baxay Wasiirku Xigeenka Amniga ee Wasaarada Arimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor Cismaan oo aan wax saxeexa lahayn oo xil ka qaadis ahi ay soo gadha. Dhnaca kale Badhasaabka gobalka Gabiley Yuusuf Ibraahin Yamarug oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aan wax uga waydiino eedaha gudoomyahu u jeediyey ayaanay noo suura gelin in aanu helno kadib markii uu qaban waayey telefoonka gacanta oo xitaa fariimo qoraala aanu u dirnay.
Awdalpress.com
Haatuf News




