Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Si Adag Uga Hadlay Qaraxyadii Baydhabo

$
0
0

sx
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu ka hadlay Qaraxyadii shalay galab ka dhacay Magaalada Baydhabo ee dadka shacabka ah lagu xasuuqay.

Shariif Xasan waxa uu sheegay inuu ka tacsiyadeynaayo dadkaasi shacabka ah ee lagu laayay Qaraxyada Shabaabka ay fuliyeen, isaga oo sheegay in arin naxdin leh ay tahay in Shabaabka ay bartilmaameedsadaan goob shacabka isugu yimaadaan.

Waxa uu sheegay ogaalkiisa ilaa hada Qaraxyadaasi inuu kaga dhintay Maamulka Koonfur Galbeed, Wasiir ku xigeenkii Dhaqancelinta iyo Hub ka dhigista Maamulka Koonfur Galbeed oo ka mid ahaa dadkii fadhiyay goobta Qaraxyada ay ka dhaceen.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay inaan la garan karin si loo celiyo qof isku soo xiray suun waxyaabaha Qarxa ka sameysan, qofkaasi oo doonaya inuu naftiisa haligo umad kalena uu baabi’iyo
Awdalpress.com

The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Si Adag Uga Hadlay Qaraxyadii Baydhabo appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles