Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Garashada iyo ka war Qabka Cirro iyo Faysal ay Ka War Qabaa ummadda soomaaliyeed ee ku Dhaqan wadanka Finland oo cadaatay iyo sheekadoodii halakay Marayso

$
0
0

2
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, C/raxmaan Maxamed C/llaahi [Cirro], isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta sheegay in murankii u dhexeeyay isaga gudoomiyaha UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe lasoo Af-jaray.

C/raxmaan Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan maanta lagu qabtay Hoteelka Mansuur ee Magaalada Hargeysa, kaasoo ay soo qaban-qaabisay Guddiga Doorashooyinka Somaliland, oo lagu daah-furayay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyeeshaha Gobolka Saaxil oo billaabanaysa Maalinta Sabtida ah ee soo socota.

“Maalmahan waxaa saxaafada ku jiray warar ku saabsan muranka aniga iyo saaxiibkey Inj. Faysal noo dhexeeyay, Waxaanan Saxaafadda iyo shacabka ku war-gelinayaa Maanta inuu ahaa mid Siyaasadeed, lana soo af-jaray oo ay dhamaatay. Aniga iyo Saxiibkeyna gacmaha ayaynu is-haysannaa,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa.
1

Sidoo kale, C/raxmaan Cirro iyo Inj. Faysal oo Guddoomiyeyaal ka ah Asxaabta Mucaarad Somaliland ayaa kawada Qayb-galay Saakay kulanka lagu daah-furayay diiwaan-gelinta ka billaaban doonta Gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe ayaan ka hadlin muranka lasoo af-jaray ee uu sheegay Guddoomiyaha xisbiga Wadani, C/raxmaan Cirro, waxaase la arkayay iyagoo gacmaha is-haysta intii uu kulanku socday.

Ugu dambeyn, Hadlaka C/raxmaan Cirro ayaa wuxuu imaanayaa maalmo ka hor markii uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu u Hanjabay Guddoomiyaha WADDANI, iyadoo Xisbigu uu xusay inay dacwad arrintan la xiriirta u gudbiyeen guddiga doorashooyinka Somaliland

Awdalpress.com

The post Garashada iyo ka war Qabka Cirro iyo Faysal ay Ka War Qabaa ummadda soomaaliyeed ee ku Dhaqan wadanka Finland oo cadaatay iyo sheekadoodii halakay Marayso appeared first on Awdalpress.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles