Waaxda difaaca Maraykanka ayaa xaqiijisay in ciidamada gaarka ee Maraykanka ay qabteen khabiir dhinaca hubka kiimikada oo ka tirsan kooxda la magac baxday Dawladda Islaamiga.
Waxaa laga soo qabtay gudaha dalka Ciraaq. Afhayeen u hadlay aqalka gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegay in Suleymaan Daa’uud uu horay ula soo shaqeeyay Sadaam Xuseen.
Baarayaasha ayaa la sheegay in uu la wadaagay macluumaad muhiim ah oo ku saaban heerka ay gaarsiisantahay awoodda hubka kiimikada ee kooxda Daacish.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in macluumaad uu ninkani bixiyay uu horseeday duqayma dhinaca cirka oo lagu qaaday saldhigyo ay leedahay kooxda.
Waxaa la sheegay in Suleymaan hadda lagu wareejin doono maamulka dalka Ciraaq.
Awdalpress.com
The post Daawo:Khabiirka hubka ee Daacish oo la qabtay appeared first on Awdalpress.com.