Innaa lillaahi wa innaa ilayhi rajucuun.
Geeridu waa xaq, naf walbaana jidkaa xaqa ah way maraysaa. Marka ay geeriyi dhacdana waxa loo kala naxaa sida loo kala dambeeyo kaliya.
Waxa maanta magaalada Borama ku geeriyooday Alle naxariistiisa janno haka waraabiyee Marxuum Maxamad Cilmi Obsiyeh(Cirro) oo ahaa walaalkay Ilaahay meel nawada dhigay.
Marxuum Maxamad Cilmi Obsiyeh wuxu ahaa nin Ilaahay oo islaamnimada aad ugu toosan qoys edeb iyo akhlaaq lehna barbaariyey. Nin run ahaantii lagu xasuusan karo ixtiraam iyo darisnimo aan la ilaawi karin.
Sidaa awgeed; anigoo kaga wakiil ah qoyskayga – Xaajiyo Nuura Daher Jaamac iyo caruurtaydaba waxan Marxuum Maxamad Cilmi Obsiyeh Ilaahay uga baryayaa jannatul firdawsa inuu geeyo; isla markaana qoyskii uu ka baxay, walaalihii, qaraabadii iyo dhammaan jaararkii uu ka tagayna sabar iyo iimaan ka siiyo Aamiin! Aamiin! Aamiin!.
The post Tacsi uu dirayo oday Mohamed Abdillaahi Obsiye oo jooga Sweden. appeared first on Awdalpress.com.