GOBOLLADA AWDAL IYO SALAL CIDNA UMA MAQNA CEELLA UMA QODNA.
Warar xog ogaal ah oo aan ka hellay xukuumadda Somalia ee Muqdisho iyo warar kale oo ku soo baxay saxaafadda ayaa hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyiin dawladda Federaalka ka tirsan oo uu ka mid yahay Ku-simaha RW Somalia, isla markaana ah ahna wasiirka Cadaaladda, C/laahi Axmed Jaamac [Ilka-Jiir], in uu maanta la kulmay Safiirka Shiinaha ee Somalia, Wei Hongtian oo Warsame Geel-jire loo yaqaanno ayaan haba yaraatee ka hadal masiibada Abaareed ee ka taagan gobolka Awdal iyo nawaaxigeeda. Waxase uu kala hadlay sidii Dowaldda Shiinuhu ay taageero uga geysan lahayd Abaaraha ka jira qaybo ka mid ah gobollada koonfurta Somalia.
Wasiir Ilka-jiir ayaa ka codsaday Xukuumadda Shiinaha in ay gacan ka geysato sidii looga bad-baadin dadka Abaaraha ku dhuftay Gobollada Somalia qaarkood, gaar ahaan Puntland, Somaliland, iyo Galmudug oo waqtigan ay si aad ah u saameeyeen abaaruhu.
“Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia waxay samaynaysaa dadaal kasta oo gargaar lagu gaarsiinayo Dadka ay Abaaruhu saameeyeen, waxayna Beesha Caalamka, Ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay gacan weyn ka geystaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa kala hadalnay Danjiraha Shiinaha ee Somalia Warsame Geel-jire inay xukuumaddiisu taageero siiso shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameeyeen, kuwaas oo uu xusay inay xilligaan haystaan dhibaatooyin xoog leh.
Ugu dambeyn, Safiirka Shiinaha ee Somalia ayaa ballan-qaaday in Dowladiisu ay gacan ka geysan doonto sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, isagoo xusay in door muuqda ay ka geysanayaan gacan siinta bulshada ay abaaruhu ku dhufteen.
Awdalpress
The post Abaarta daran ee ku habsatay Awdal iyo xukuumadda Somalia oo dawladda Shinaha u gudbisay. appeared first on Awdalpress.com.