Awdalpress – Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland mudane Ahmed Mahamoud Siilaanyo oo ay weheliyaan wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa iyo madaxda xisbiyada qaranka Somaliland ayaa kulan deg deg ah la yeeshay shir guddoonka labada gole. Kulankan ayaa ujeeddadiisu daarranayd sidii qorshe dawli ah loogu samayn lahaa masiibada Abaaraha ee marba marka ka danbaysa ka sii daraysa.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan, in kulankaasi oo ay goob joog ka ahaayeen madaxda ugu sarraysa ee xisbiyada mucaaridka ah iyo ka muxaafidka ahiba, ay isla garteen in si hagar la’aan ah loogu gurmado dadka abaaruhu ku habsadeen. Laakiin may sheegin sida ay hawshaa mugga leh u guda gelayaan. Waxase kulankaa lagu kala dhegeystay warbixinno iyo talooyin golaha la hor keenay.
Dhinaca kale waxa uu wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane Xaashi uu shalay soo dhigay boggiisa uu ku leeyahay Facebook ga hadallo uu ku sheegayo in ay xukuumaddu sida ugu dhakhso badan uga hawl geli doonto taakulaynta dadka la tabaalaysan Abaaraha daran ee dalka ku habsaday.
Guddiga Abaaraha uu guddoominayo M/ku xigeenka Somaliland Mudane Zaylici ayaa iyaguna ku guda jira indha indhayntii iyo daraasad ay ka wadaan sidii hawlaha gar gaarka loo bilaabi lahaa.
Awdalpress
Awdalpress