INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Noolaba waa dhintee waxa maalintii shalay ahayd god galay Marxuum Faarax Kaamil Abraar oo ku geeriyooday magaalada Borama, laguna aasay magaalada Dilla. Allaha u naxariistee marxuumku waxa uu ka mid ahaa haldoorka degaanka Dilla, waxana uu ka mid ahaa shakhsiyaadka taariikhda ku lahaa mandiqadda bariga Borama iyo Djabouti.
Marxuum Faarax waxa uu ka mid ahaa askartii Gumaysiga Faransiiska ee qaybka ka soo qaadatay dagaalkii labaad ee dunida. Waxana uu ifka kaga tagay dad aad u badan oo rag iyo dumarba leh.
Marxuum Faarax Kaamil waxan ilaahay uga baryeynaa in uu Jannadii Firdawsa ka waraabiyo. Eheladiisii oo ay ugu horreeyaan ooryihiisii, ubadkiisii iyo ubadkii ay sii dhaleenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Aammiin Aammiin.
Ahmedweli Goth