Awdalpress – Paris – Dhallin yar Somali ah oo tiradoodu dhan tahay toddoba qof, da’dooduna ay u dhexayso 25 ilaa 32 sano jir oo ku eedaysan in sannadku markuu ahaa 2011-kii ay doonni kuwa dalxiiska ah ka af-duubteen xeebaha Soomaaliya.
Ciidammada ammaanka dalkaasi ee danbiilayaashan ku soo oogay dacwadda loo haysto dadkaasi lana maxkamadeeyay, ayaa sheegay in doonni lagu af-duubtay lammaane u dhashay dalka Faransiiska, dabadeedna la dilay midkood.
Kadibna markii la helay dadka dhibtan geystay, lagu fuliyey hawl gal loo adeegsaday ciidanka khaaska ah ee Franceska, waxana la sheegay in lagu qabtay eedaysaneyaasha, isla markaana lagu dilay laba kale oo Soomaali ahaa.
Dhallinyarada ayaa lagu wadaa in maxkamadda ay mar kale hor yimaaddaan, si ay garsooreyaashu go’aanka uga gaadhaan dacwadda loo haysto.
Sannadihii u dambeeyay ayaa waxaa sii gabaabsiyey, awoodda budhcad-badeed muddo dheer ka qawl geli jirtay xeebaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ahba. Waxana hawl mug leh ka geystay beesha caalamka. Sidoo kale waxa la awooday in dadka ajaanibta afduuba xal loo helay sidii loo soo qaban lahaa, waxana loo adeegsaday lacag la siiyo dadka yaqaanna.
Awdalpress




