Awdalpress(Hargaysa) 27 march 2016- Dawlada somaliland ayaa ku dhawaaqday go’aan ka hor imanaya qorshe todobaadkii hore ay u soo jeediyeen wefti ka socday dawladaha daneeya geedi socodka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka somaliland, qorshaha waxa todobaadkii Ina dhaafay ula yimid somaliland safiirka dalka Britain u fadhiya Adisababa, qorshahaas oo ahaa in aanay xukuumada somaliland carqaladayn hanaanka ay u socoto diiwaangelinta ka socota gobolada somaliland, isla markaana dawladaha bixiya mashaariicaha SDF sanduuqa horumarinta somaliland ay dalka ka gargaari doonaan Abaaraha ka jira, soo jeedinta qorshahani ayaa waxa aqbalay M/waynaha somaliland iyo gudida doorashada ee wada diiwaangelinta.
Balse waxaa maanta ka soo baxay qasriga M/weyne siilaanyo talaabo ku lid ah qorshihii beesha caalamku u soo bandhigtay, waxaana faro gelin lagu sameeyay hanaankii diiwaangelinta ee socotay, taas oo la joojiyay iyada oo aan laga talogelin gudidii doorashada ee hawsha u xilsaarnayd.. Madaxda dawlada ayaa marmar siiyo ka dhigtay Abaaro looga cabsi qabo gobolada aan laga bilaabin diiwaangelinta,. Xisbiga Wadani iyo shacabka ku dhaqan goboladii la diiwaan geliyay ayaa iyagu ka biyo diiday go’aanka diiwaangelinta lagu joojiyay, dadka qaar ayaa qaba in loo joojiyau markii degmooyin codad badan laga filayay la arkay tiro yaraan ka timid in xukuumada somaliland u cabsatay xisbiga Kulmiye guuldaraysto, sidaas awgeedna mudo kordhin sidii loo abaabuli karo la sameeyo..
Awdalpress
↧
Somaliland oo dhegaha ka furaysatay qorshe dawladaha taageera u soo jeediyeen gaar ahaan UK.
↧




