Maaha markii ugu horreysey ee ay abaaro ka dhacaan dalka Somalia ama colaado ay ku habsadeen degaannada Somalida, waxana hore innoo soo martay abaaro ba’an iyo colaado ay dadku ka soo bara kaceen dhulkii ay deggenaayeen, kuna soo qexeen dhulka magaalooyinka ah, kadibna la dejiyey dhul duleedka ka ah magaalooyinka. Tusaale ahaan Abaartii Daba Dheer ee ku habsatay bariga iyo badhtamaha dalkii la isku odhan jiray Somalia. Ayaa waxa si fiican uga hawl gashay dawladdii xilligaa jirtay ee uu hoggaaminayey Janaral Siyaad Barre, waxana uu gurmadkii abaarahaa gacan uga helay dalkii la odhan jiray Midawga Sofiyat. Dadkii ay abaartu aadka ugu dul dhacdayna, intii ka badbaadday waxa la dejiyey Dujuuma, Sablaale iyo dhul la isku odhan jiray dan wagaagaha oo xeeb iyo dhul beereedba lahaa.
Abaartaa ka dib, waxa dadkii Somaliyeed ee kala degganaa Ethopia iyo Somaliyaba ku dul dhacay dagaalkii 1977, oo sababay in qaxooti badani ku soo jabaan Somaliya, waxana xeryo looga sameeyey Hargeysa, Borama, Dilla, Baladweyn, Doollow iyo meelo kale. Waxanan xasuustaa isla wakhtigaa oo ay haddana ay abaari dhufatay dadkii gobollada woqooyiga deggenaa, waxana ay dadkii ku soo qexeen isla xerooyinkii loo sameeyey qaxootiga oo ay ka mid ahaayeen Daray-Macaane.
Wakhtigaa oo aan lahayn dawlad la yaqaanno ayaa waxa suurta gashay in caalamku si mug leh ay ula soo gaadhaan deeqo aad u badan, oo raashin iyo daawooyinba leh, haddana waxa isla markiiba wasaaraddii waxbarashadu ku tallaabsatay in ay xeryaha dhexdoodii ay ka furaan dugsiyo ay ubadku wax ku bartaan, waxana ka hawl gali jiray hay’addii la odhan jiray ITT oo uu hormood ka ahaa Bashir Farah Kaahiye.
Dadaalkaa intii la waday ee dadka wax loo qabanayey, haddana waxa dhinac socday kuwo iyagu ka xoolaysanayey, oo xadayey burkii, buskudkii iyo biyihii dadka lagu qulaaminayey. Bustayaashii iyo hugii loogu tala galay ayaa lagu kala gadanayey suuqyada. Laakiin wakhtigaa waxa badnaa deeqaha, oo haddana wax uun baa dadka u soo hadhayey. Maantase deeqaha caalamiga ah ee dunida ka imanaysaa inkasta oo ay jirto haddana waxa ay soo maraysaa qacmaha dad aan u naxayn dadka tabarta daran ee baahan.
Isku soo wada duuboo, maxaad u qaban kartaa dadka aad mar walba ka daawanaysaan shaashadaha, ee ay ka mid yihiin kuwani:
Awdalpess




