Xisbiga WADDANI WADDANI National Party
Canada
War-Saxaafadeed: Canada: March 31, 2016: Madaxweyne Siilaanyo wuxuu soo jeediyey wuxuu ku timlmaamay “dan qaran” oo ah in diiwaangelintii codbixiyeyaasha la hakiyu abaarta dalka ka jirta awgeed.
Hadaba waxaynu dhamaanteen ogsoonahay:
1. Inay abaaruhu dalka ka jireen muddo dheer oo aanay hadda bilaabmin;
2. Inay diiwaangelintii boqolkiiba konton (50%) la soo afjaray. Goboladda diiwaangelintii laga hirgeliyeyna ay yihiin, Togdheer, Awdal, Selel, Saaxil, Gabiley iyo Hawd oo ah meelihii abaarta ugu xummi ka jirtay Somaliland.
3. Inay goboladaa diinwaangelinta laga qabtay dhamaantood cod dheer iyo cod gaabanba ku codsadeen in mudada abaartu jirtu laga joojiyo diiwaangelinta lagana diidey.
4. In dad badan oo goboladaas u dhashay ka hayeemeen deegaannadoodii, soona gaadhiwaayeen goobihii diiwaangelintu ka qabsoomaysey. Taasina sababatay inay diiwaangelintii ka hadhaan codkoodiina siddaas ku lumo
5. In xawligii diiwaangelintu ku sucotay (momentum) iyo beretenkii goboladda ka dhexeeyey meeshii ka baxayo, haddii la hakiyo shaqada Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
6. In beesha caalamka ee kharashka diiwaangelinta inaga caawisay niyad-jab ku imankaro haddii habsami-u-socodkii diiwaangelinta khalkhal la geliyo. Taasina dhawaac u geysankarto geedisocodka dimuqraadiyadda iyo hanaan-wanaag dawladnimo oo ka hanaqaadda Somaliland.
7. Inay hakinta diiwangelinta abuurikarto shaki ah in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigeedda Kulmiye daacad ka yihiin in doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamanku ku qabsoomaan wakhtigii loogu talogalay.
8. In goboladda Sool iyo Sanaag oo wakhtigan xaadirka ah dadku aad ugu heelanaayeen inay is-diiwaangeliyaan aan la saadaalinkarin cawaaqibka ka dhalankara dib-u-dhacaas.
Gabogabadii, Gudoomiyaha, Guddida, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka Canada waxay si buuxda u taageersanyihiin go’aanka Xisbiga WADDANI ee ahaa inaanay jirin sabab dib loogu dhigo diiwaangelinta codbixiyeyaashaa mar haddii goboladii abaaruhu sida ba’an uga jireen ay kasoo dhammaatay. Waxa kaloon taageersannahay inay is-barbar socdaan ducada Eebbe la baryayo, gurmadka abaaraha iyo diiwaangelinta codbixiyeyaashu.
Wa Billaahi Towfiiq
Guddida WADDANI Canada





