Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay weerar Ciidamada Qaranka iyo AMISOM fuliyeen

$
0
0

imageAwdalpress (Mogadishu)April 2, 2016: Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda argagixisada ee Al-shabab, ayaa lagu dilay howl-gal si wadajir ah ay xalay ciidamada midowga Africa (AMISOM) iyo Ciidamada qaranka Soomaaliyeed (SNA) uga fuliyeen deegaanka Jannaale oo dhinaca Koonfur ka xiga magaalada Muqdisho.

Taliyaha AMISOM ee Sector One Brig. Gen. Sam Okiding ayaa xaqiijiyey in horjoogahaan Al-shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Abdirashid Buqdube oo ay la socdeen 22 argagixisada ka tirsanaa la dilay kadib markii duqeyn cirka iyo howlgal dhulka ah laga fuliyey goobaha ay argagixisada ku dhuumaaleystaan ee ku teedsan wadada isku xirta Buufow iyo Jannaale.

Tiro kale oo ka tirsanaa argagixisada, ayaa la qaarajiyey labadii maalmood ee u dambeysay kadib markii ay isku dayeen in ay hor-istaagaan oo ay arbushaan ciidamada AMISOM iyo kuwa qaranka Soomaaliyeed ee howlaha horumarinta ah sida dayactirka ceelasha iyo nadiifinta waddooyinka ka wada deegaanadaas.

“AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed waxa ay sii wadi doonaan nadiifinta wadooyinkaan, ayadoo ilaa iyo hadda la dhameystiray laba wado oo muhiim ah: Mid ka mid waxa ay isku xirtaa Beledul-amiin iyo Qoryooley, halka tan labaad ay isku xirto Beledul-amiin iyo Shalanbood. Waxaan hadda nadiifineynaa tan isku xirto Buufow iyo Jannaale halkaas oo ay Al-shabaab iska caabin kala hor-yimaadeen ciidamada” ayuu yiri Brig. General Okiding.

Ciidamada isbaheysanaya (AMISOM iyo SNA) waxa ay wadi doonaan in Alshabaab laga sifeeyo deegaanada ay haystaan ee ku xeeran Jannaale, si dadka deegaanadaas looga xoreeyo cadaadiska Alshabaab.
“Al-shabab isma qarin karaan, waana wadi doonaa in aan u diidno in ay helaan goobo ay ku badbaadaan si dadka looga xoreeyo argagixisada Alshabab,” ayuu sii raaciyey.

__________________________________
For more information
Lt Col Joe Kibet – Spokesperson, Gaffel Nkolokosa – Public Information Officer,
Email: amisommediacentre@africa-union.org or amisommediacentre@gmail.com
Cell phone: (Somalia) +252 699 563 476 / +252 617 682 175 / +252 699 240 948 / +252 616 982 416;
(Nairobi) +254 728 701 222 / +254 700 333 415


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images