Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

M/Weyne Siilaanyo oo booqan doona Quljeed maalinta Beri ah

$
0
0

saylici-iyo-siilaanyoAwdalpress(Borama) 04 Apr.2016– M/weynaha Somaliland iyo wefti wasiiro ah oo wehelin doona ayaa la filayaa in maalinta beri ah ay soo gaadhaan xarunta gobolka Awdal ee Boorama, wuxuuna uga sii gudbi doonaa dhanka degmada Quljeed oo ay ku sugan yihiin dadkii Abaaraha ku caydhoobay ee u soo hayaamay dhanka deegaankan, waxaana degmadaasi ku sugan boqolaal qoys oo danyar noqday.
M/weynaha ayaa wada sida la sheegay deeq iskugu jirta Raashin, waxaana durba magaalada Boorama soo gaadhay gaadiidka xamuulka oo sida Raashin iwm,.
M/weyne Axmed Siilaanyo waa markii uGu horaysay ee uu xaalada Abaaraha ee ka jiray Awdal soo gaadho, walaw M/xigeenku uu safar ku jogay usbuucan, mudo laba beri ahna ka sii maqan yahay,lama garanayo in socdaalka M/weynuhu ka dhashay warbixintii uu siiyay K/xigeenkiisu.
Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images