Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dawlad ka mid ah kuwa ka hawl gala dalka Liibaya oo is casishay

$
0
0

libya_tripoli_640x360_reutersDowladda Badbaadada Qaran ee Liibiya ee uu fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Tripoli ayaa waxa ay xilka uga degtay Golaha Madaxtooyada ee ay aqoonsan tahay Jamciyadda Qaramada Midoobay.
Tallaabadan ayaa waxaa lagu soo qoray bayaan lagu daabacay barta internetka ee Wasaaradda Cadaaladda.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in golaha wasiirradu ay xilka ka degayaan “iyagoo dhowraya danaha maamulka sare ee dalka kana hortegaya in dhiig uu daato.”
Dowladdan oo aanay weligeed aqoonsan bulshada caalamku, ayaa waxa ay awoodda haysay tan iyo 2014-kii, kaddib markii maleeshiyaad iska soo horjeeda ay ku dagaallameen gudaha magaalada Tripoli arrintaa oo ku khasabtay in mas’uuliyiintii la doortay ay u baxsadaan dhankaa iyo Bariga.
Mas’uuliyiinta cusub ee Liibiya ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay u guureen caasimadda si ay isugu dayaan in ay gacanta ku dhigaan maamulka dalka, wixii markaa ka dambeeyayna waxa ay ka howlgalayeen saldhig badda ku yaal.
Tallaabadan ugu dambeysay ayaa waxa ay dhabaha u xaaraysaa Xukuumadda Midnimada Qaran ee ay taageerto Qaramada Midoobay in ay maamusho hay’adaha dalka ee kala qeyb qeybsan.
Hasayeeshee weli waxaa jirta dowlad ka soo horjeedda oo uu fadhigeedu yahay Bariga dalka, taasi oo uu taageero baarlamaanka caalamka laga aqoonsan yahay.
Awood kale oo sharci dejin ayaa weli ku harsan caasimadda, waxa ayna u kala qeybsan yihiin hogaamiyayaasha cusub ee Liibiya.

Raad raac; BBC


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images