Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mucaradka Djibouti oo Diiday Natiijada Doorashada

$
0
0

IsmailAwdalpress(Djibouti) 10 Apr.2016-Mucaaradka Djibouti ayaa ku gacanseydhay natiijadii doorashadii madaxtinimada Jimcihii dhacday oo uu ku guuleystay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo sheegay in doorashadii lagu shubtay.

Saddex ka mid ah musharixiinti ka qayb qaatey doorashada madaxtinimada oo kala ah Maxamed Muuse Cali Tuur-Tuur, Jaamac C/raxmaan Jaamac iyo Cumar Cilmi Kheyre ayaa si wadajir ah VOA ugu sheegay inaysan aqbali doonin natiijada, isla markaana ay qaadi doonaan talaabooyin “aanay carabaabin waxay noqon doonaan”

Laakiin guddiga doorashada Djibouti ayaa beeniyay in doorashada lagu shubtay. Guddoomiyaha guddigaasi Cabdi Ismaaciil Xirsi ayaa VOA u sheegay in doorashadu ay u dhacday si waafaqsan sharciga Djibouti iyo kan caalamiga ah ee doorashooyinka.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in mucaaradku ay xaq u leeyihiin inay haddii ay dacwad ka qabaan doorashada ay la xiriiraan xafiisyada arrintaasi ay khuseyso.
VOA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images