Awdalpress(Djibouti) 10 Apr, 2016–Madaxweynaha dalka Jabbuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay natiijada doorashadii madaxweynenimo ee dalkiisa ka dhacday Jimcihii lasoo dhaafay, taas oo isaga lagu doortay mar kale.
Geelle oo dadweynaha kala hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu dadkiisa ka haystay kalsoonida ay ku doorteen, ayna doonayaan sida uu sheegay, inuu dhammays tiro qorsheyaasha horumarineed ee uu dajiyay muddadii uu xilka hayey.
Waxaa kaloo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in mar kale loo doortay madaxweynaha jamhuuriyadda Jabbuuti, uuna si hagar la’aan ah u gudanayo xilka culus ee loo doortay.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay gabi ahaanba dadka reer Jabbuuti, si loo gaaro horumarka la hiigsanayana wuxuuna ku boorriyay inay la yimaadaan waddaniyad iyo iskaashi buuxa.
Ismaaciil Cumar Geelle oo 68-jir ah, dalkiisana soo hoggaaminayay tan iyo sannadkii 1999-kii ayaa markii afaraad loo doortay inuu xilka sii hayo shanta sano ee soo socota.
Sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha gudaha Jabbuuti oo maamulaysay doorashada, Mudane Geelle ayaa shan murashax oo kula tyaryamay xilka uga guulaystay 86.68% codadka la dhiibtay oo ahaa 187,000 (187 kun oo cod).
Shan murashax oo la tartamay Geelle, isuguna jiray kuwo madax banaan iyo kuwo ka socday xisbiyo siyaasadeed ayaa waxaa ugu cod badnaa Cumar Cilmi Khayre oo helay 7.32% codadka la dhiibtay.
Hase yeeshee waxay ka cabanayaan sida ay doorashadu u dhacday, iyadoo qaarkoodna sheegay in codaynta oo socota wakiilladoodii laga saaray goobaha doorashada.
Murashaxiinta laga guulaystay ayaa intii ay socotay doorashadu, waxay dalbadeen in la saxo qaabka ay hawshu u socotay, hase yeeshee ma aysan sheegin inay diiddan yihiin doorashada oo dhan, ayna qaaddicina doonaan natiijada.
Mucaaridka ayaa iyagu sheegay in markii ay socotay doorashada la saaray culays weyn, ayna la amakaageen natiijada.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu tiriyaa hoggaamiye dalkiisa gaarsiiyay horumar weyn, isla markaana xoojiyay siyaasaddiisa arrimaha dibadda, wuxuuna xiriir saaxiibtinnimo oo adag la samaystay dalalka Mareykanka, Shiinaha, Japan, Khaliijka Carabta iyo kuwo kale.
Barkulan




