Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo warsaxaafadeed uu maanta qabtay kaga Hadlay Arrimo badan oo ay ka mid yihiin, wada hadallada Somaliland iyo Somalia Shirka Brussels iyo Siyaasada Dibada Somaliland..

$
0
0

biixiAwdalpress – Hargeysa – 21/08/13 -  Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Jamhuuriyadda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis ayaa Maanta Shir Jaraa`id Ku qabtayHotelka Mansoor ee Hargeysa ku yaalla, si mug lehna waxa uu uga warramay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland.

Shirkan Jaraa’id ayuu ugu horreyn ku bilaabay sida uu u jecel yahay in uu saxaafadda Somaliland la yeesho wada shaqayn midha dhal ah. Halka dhinaca kalena uu iska fogeeyey siyaasadaha qabyaaladda ku salaysan, waxana uu ka codsaday saxafiyiintii hor fadhiday in aanay waxba ka weydiin, shir beeleedyada iyo waxa kale ee local ka ah amma aan shaqadiisa ahayn. Halka uu wasiirkii ka horreeyey uu wax walba ka jawaabi jiray ( farqiga durba ka dhex muuqda labada wasiir ee is beddelay). Si gaarna waxa uu farta ugu fiiqay shaqada loo igmay amma waa sida uu hadlka u dhigaye, loogu yeedhay ee arrimaha dibadda.

Si waafiya oo ay degenaansho ku dheehan tahayna ayuu u sharraxay siyaasadaha immiga horyaalla ee arrimaha dibadda iyo sida uu u arko amma uu doonayo in uu uga hawl galo.

Hadalka wasiirka waxa ka dhex muuqday aqoonta iyo waaya aragnimada uu u leeyahay shaqada arrimaha dibadda iyo weliba aqoonta gaar ee uu u leeyahay hay’aadka caalamiga ah sida UNta iyo weliba shakhsiyaadka muhiimka ah amma madaxda ka ah hay’adaha caalamiga ah oo uu qaarkood ku tilmaamay in ay  yihiin saaxiib dhaw. Waxanu carrabka ku dhuftay Banki Muun iyo kuwo kale oo uu immiga kula kulmay Nairobi.

Wasaaraddan oo intii muddo ah aad loo dhalliilayey ayaa ka gaabisay ururinta iyo habaynta  qurba joogga baaxadda leh iyo arrimaha ku xeeran, kuwaasi oo wax badan la  qaban kara wasaaradda amma caqabad ku noqon kara. Sidaasi daraaddeed  waxa wasiirka cusub ee Khaarajiga laga sugayaa in uu hawlahaa badan ee dibadda ka sugaya uu wax weyn ka qabto iyo weliba in uu  wada shaqaynta uu ballan qaaday la wada yeesho saxaafadda faraha badan ee Somaliland. Waxana dhalliil ku noqon karta  in uu saxaafadda qaarkood uun la macaamilo sidii hore u dhici jirtay.

Halkan ka dhegeyso war saxaafadeedkii uu wasiir Biixi maanta bixiyey.

Mobile Kaaga ka DHagayso Shirka Jara`id ee Wasiirka Khaarajiga Jamhuuriyadda Somaliland

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles