Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hasan Muse, Dr. Hussein Ahmed Warsame iyo Dr. Bulhan oo ka mid ahaa aqoonyahanno ka qayb galay shir u dhexeeyey Somalia iyo Somaliland oo ka dhacay dalka Turkey. Maxay ka wada hadleen? Maxayse go’aan soo saareen?

$
0
0

X MuseAwdalpress – London – Kulan dalka Turkey uga qabsoomay aqoonyahanno ka kala socda dalka Somalia iyo Somaliland oo aan hore loo sii shaacin, ayaa maalintii shalay ahayd la soo gaba gabeeyey. Kulankan oo aqoonyahannadii ka qayb galay ay ka mid ahaa Hasan Muse Khaliif, Dr. Husein Ahmed Warsame, Yusuf Garaad iyo Dr Hussein Abdillahi Bulhan.

Kulankan oo socday muddo laba casho ah ayaa sida la sheegay waxa ka soo baxay afar qodob:

1.In mar labaad la sii wado wada hadalladii Somalia iyo Somaliland

2.In Siminaaro iyo shirar lagaga wada hadlo dadka Somalida guud ahaantooda iyo khilaafka u dhexeeya Somalia iyo Somaliland oo shirkan lagaga hadlay la sii wado.

3.In hay’adaha ?hasn Do?ramac Peace Foundation ay hoggaamiso doodaha ku saabsan khilaafka Somalia iyo Somaliland. Waa urur madax bannaan oo Turkey ah kana shaqeeya cilmi baadhista iyo Dimuqraadiyadda.

4. In si dhakhso ah la isugu yimaaddo shirkan shirka xiga.

Wargeysa Geeska Afrika oo aan warkan ka soo xigay ayaa dhalliilay kaalinta ay Somaliland ku leedahay qodobbadan afarta ah, waxana markii danb shirka loo wareejiyey magaalada Ankara ee dalka Turkey.

Wixii war ka soo baxa waan idinla soo socodsiin doonnaa

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images