Awdalpress – Borama – Xildhibaannada golaha degaanka Borama ee la ogyahan sida ay ku soo bexeen ee musuq maasuqa ah ayaa ku guul darraystay hawshii ay ummadda u qabteen, waxana ceebtooda fayday guddoomiyaha gobolka Awdal Ramaax, oo dhaqan u leh in aanu qarin dhalliisha gobolkiisa iyo maamulka degmada intaba.
Shalay ayey ahayd markii la maamul iyo oday dhaqameedba la isugu yimid xafiiska gobolka, si cadna loogu wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan dhalliillaha xildhibaannadu degmada ku hoggaaminayaan, ee ay weliba ku indha cad yihiin. Hoggaankooda liitaana waxa uu keenay in uu gobolku gaadhay heer uu hoos ugu soo dhaco kaalinta ugu hoosaysa qiimaynta gobollada.
Waxana gurmad ugu yimid laba wasiir oo ka soo jeeda gobolka Awdal, waxana ay si cad ugu sheegeen in ay xildhibaannadu fashilmeen, haddii ay beddeli waayaanna tallaabo ka qaadi doonto dawladdu.
Odayada dhaqanka oo meel kastaba gala, ayaa iyaguna ka dhawaajiyey in ay dhex dhexaadin doonaan maamullada gobolka iyo xildhibaannada. Waa arrin lala yaabay! oo aan waafaqsanayn xeerarka iyo dastuurka dawladda. Fara gelintooduna aanay meella ka soo gelin dawladnimada iyo sharciga dalka u yaalla.
Halkan ka daawo sida ay wasiirradu ugu dul doobinayaan xildhibaannada:
Maxaa ka horreeyey? Halkan ka daawo:
Awdalpress






