Dr. Tani oo ku nool dalka Canada, ayaa waxa uu dhawaan saxaafadda awdalpress u soo diray warqad dheer oo uu mawduuc uga dhigay TALO KU SOCOTA AHMED SAMATAR. Warqaddaasi oo wajiyo badan leh ayaan jeclaystay in aan anna kalmado ka idhaa.
Markii ay warqaddani I soo gaadhay ee aan akhriyey, waxan ka fekeray in aan soo nashriyo iyo in kale. kadibna markii aan dhinacyo badan ka eegay waxa ay ila noqotay in aan soo geliyo shabakadda ay warqaddani ku socotay ee uu DR Taani u soo diray oo aan tifaf tire ka ahay.
Labada aqoon yahanba dhinacayga qiimo badan ayey iigu fadhiyaan, haddii mid wax iga codsadana waxa iga saaran waajib aanan diidi karin, waayo waxan ogahay in codsigoodaasi aan wax dhibaato ahi ku jirin. Haddiise laga tagi waayo aan ku leehay talo iyo fikir aan ka dhiibto sida maqaalkan uu DR Tani naga codsaday in aan u soo nashirinno oo kale.
DR. Tani waxa uu warqaddiisa talada ah ku sheegay in uu Prof. Ahmed in badan oo hore wax ka sheegay oo uu naqdiyey, laakiin uu maanta u soo jeedinayo talo. Waxanu qoraalkiisa ku bilaabay ammaan iyo hadallo aad u qurux badan. Oo uu Ahmed Samatar ku ammaanayo aqoontiisa, dhiirranaantiisa, fanka uu jecel yahay iyo wakhtigii uu da’da yaraa oo uu ahaa ciyaar yahan kubadda cagta looga hadhay.
Qoraalka oo uu qodobbeeyey, iilana muuqday mid isku dhex filqan, oo dhinacyo badan taabanaya, waxa uu DR Tani ku hoga tusaaleeyey Ahmed Samatar wax yaal badan, oo dadka qaar u qaateen in aanay ku habboonayn in uu si public ah ugu soo qoro saxaafadda, balse ay ahayd mid ku habboonayd in uu si gaar ugu qoro Prof-ka. Arrinta noocaasi loo arkayna waxa aan DR Tani ka codsan lahaa in uu Ahmed Samatar iyo akhristayaashaba ka raalli geliyo.
Prof. Ahmed Samatar waa aqoon yahan aad u qiimo badan, mudan in lagu qaddariyo sida uu dadkiisa u wacyi geliyo, ugu heellan yahay, ee uu oday, islaan iyo da’ yarba diyaarka ugu yahay in warkiisa iyo wacdigiisu gaadho. Shakhsiga noocan oo kale ahina waa biri ma geydo, mar walba mudan in la bogaadiyo, haddii la dhalliilayo ama lala talinayana si gaar loola xidhiidho. Balse maanta walaalkay DR Tani kuma wada raacsani qoraalkiisa in uu ku soo bandhigo hadallada qaar. Inkasta oo ay dhinaca kale xambaarsanayd talooyin qiimo leh oo dad badani u guuxeen.
Qoraalka DR Tani uu u bixiyey TALO KU SOCOTA AHMED SAMATAR, waxan is weydiiyey maxaa xilligan keenay?
jawaabta su’aashaasi kama helin qoraalka talada ah ee DR Tani u soo jeediyey Ahmed Samatar, waxanse u qaatay in mid xilligan ku dhalatay uun ay talahay. Waayo, kama arag qoraalkiisa arrinta maalmahan uu Prof. Samatar aadka uga hadlay ee sida weyn loo hadal hayo, ee ku saabsan 18 May iyo 26 ka June midka mudan in la weyneeyo amma qudbaddiisii uu ka jeediyey Sweden ee ruxday siyaasadda Somaliland.
qormadaydan aan ku eegayo warqaddaasi DR Tani ku tiigaali maayo, labada aqoon yahanna iyagaa isaga kay dhuun daloola oo talo iigama baahana, waxanse akhristayaasha u sheegayaa in ay labada aqoon yahanba saaxiib dhaw yihiin, qoraalka noocan ahina uu yahay mid aan u egeyn sida dadka qaar u turjunteen, waxan sida dareenkayga ah ee aan soo qoray hadalka ku soo gaba gabaynayaa…..REER GALBEED UUN BAA LAGA HELAA DAD SI XOR AH, OO SIDAN U WADA HADLA, AAN QABYAALAD IYO QUDHUN LAHAYN. DOODDOODUNA AY TAHAY MID AAN NAXLI IYO XUMAAN LAHAYN.
Ahmedweli Goth





