Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dacwad caalami ah oo maamulka Somaliland lagu eedaynayo xadhigga Mohamed Omer Jaray oo ka bilaabantay dalka Ingiriiska

$
0
0

breaking-newsAwdalpress – London – Warqad xambaarsan dacwad ka dhan ah xadhigga wariye Mohamed Omer Jaray ee ka hawl gala saxaafadda madaxa bannaan ee boramanews.com, oo intii muddo ah ku xidhan xabsi ku yaalla Somaliland, ayaa maanta loo gudbiyey hay’adaha xuquuqul Aadamaha iyo kuwa u dooda tacaddiyada lagula kaco saxafiyiinta dunida, Waxana la filayaa in ay baadhayaal caalami ahi fara gelin ku sameeyaan shakhsiyaadka ka danbeeya xadhigga suxufigan, waxana ay shakhsiyaadka la tuhunsan yahay qaarkood oo deggenaansho ku leh dalka Ingiriiska ay ku soo oogi doonaan dambiyo lid ku ah xuquuqda aadamaha iyo wax la mid ah.

 

Sidoo kale waxa ay maamulka Somaliland kala hadli doonaan xadhigga Suxufigan, iyaga oo u kuur geli doona sababta loo xidhay. Arrintaasina waxa ay laf jab iyo sumcad xumo ku noqonaysaa Somaliland iyo geeddi socodka xorriyadda saxaafadda.

 

Suxufi Jaray ayaa loo xidhay su’aalo madani ah oo uu shacabka reer Borama ku weydiiyey, aqoonta ay u leeyhiin heesta calanka Somaliland. Balse, aakhirkii sababtay in la xidho, iyada oo aan wax danbe ah oo kale loo haysan.

Wixii warar ah ee kale kala soco awdalpress.com

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images