Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Waad Ku Gaftay Hooyada Jaamacadaha Soomaaliyeed(Jaamacada Camuud) Iyo Nolosha Camuudiyiinta

$
0
0

prod abdiwhabFAALO: Asc, Jaamacada Camuud Waa Hoyga Aqoonta Soomaaliyeed Ka Dib Bur Burkii Wadankii La Odhan Jiray Jamhuuriyadda Somaaliya.  Waana Jaamacadii Ugu Horaysay Ee Laga Yagleelo Somaliland Muddo Hada Laga Joogo 18 Sano. Mudadaasi Waxa Wax Ka Bartay Oo Ka Intifaacay Boqolaal Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Meel Kastaba Ka Yimaada, Kuna Qanacsan Waxabarashadeeda. Kuna Shaqaysa Shahaadooyinkii Ay Ka Qaateen Jaamacada Camuud Xiligay ,Dooniba Ha Ahaatee Mudadaasi Ay Jirtay Islamarkaana Ah Kuwo Dhan Walba Ka Dhexmuuqda Bulshada Soomaaliyeed Meelkasta Oo Ay Joogaan. Waxaad Arkaysaa Qaar Horumarka Ay Gaadheen Tahay Mid Lagu Farxo Oo Ay Ugu Wacan Tahay Waxbarashadii Ay Ka Dhaansadeen Ceelka Camuudeed Ee Ilaahay U Barakeeyey Ummada Soomaaliyeed Ee Aanan Marnaba Gudhayn.

Aniguna Waxaan Ka Mid Ahay Ardaydaasi Ka Baxday Jaamacada Camuud Gaar Ahaan Kuliyadeeda Waxbarashada Ama Kuliyada Macalimiinta Kuna Shaqaysta Xirfadii Uu Ka Bartay Jaamacada Camuud Anigoon Cidna Baryayn Iyada Jaamacada Laftigeedana Ka Shaqeeyey Kuna Kalsoon Waxbarashadii Uu Ka Bartay Jaamacada Camuud Oo Ah Mid Ka Masuula Horumarkayga Aan Kaga Bad Baaday Inaan Nolosha Ka Dhaco Sida Qaar Ila Mid Ahaa Qabsatay, Boqolaal Kale Oo Ila Mid Ahina Jiraan Kuna Faraxsan Noloshooda Ay Qaabaysay Jaamacada Camuud Kasokow Ilaahay. Laakiin Waxaan Aad Iyo Aad Uga Xumaaday Hadal Ka Soo Yeeray Wasiirka Waxbarashada Somaliland Mudane: CabdiLaahi Habbane Ibraahim Oo Waxba Ka Ma Jiraan Ku Tilmaamay Shahaadadii Aan Ka Qaatay Camuud Taasina Waxaan Odhan Karnaa Gafbay Ku Tahay Noloshayda Iyo Nolosha Boqolaal Dhalin Yar Soomaaliyeed Oo Meel Walba Jooga Koonfur, Bari, Iyo Galbeedba Meelkasta Oo Soomali Joogtaba Jooga Waayo Waxaa Uu Waxba Ka Jiraan Ku Sheegay Shahaadadaydii Aan Ka Qaatay Iyo Tayada Waxbarasho Ee Aan Ka Qaatay Jaamacad Camuud Wasiirku Kamana Fiirsan Hadalkaasi Afkiisa Ka Soo Yeedhay Isagoo Ah Masuulkii U Sareeyay Waxbarashada Somaliland.

Waxaan Leeyahay Wasiir Noo Maad Quudhin Horumarka Ay Na  Awoodsiisay Waxbarashadii Aan Ka Qaadanay Jaamacada Camuud Ee Waxaad Ka Soo Qaaday Waxba Kama  Jiraan. Wasiirka Waxaan Leeyahay Bal ka waran Haddii Aan Adiga Ku Yiraahdo Uma qalantid Wasiirnimo Saw Meel Kaagama Aan Dhicin Oo Kuguma Aan Xad- Gudbin Ana Taasi Badalkeed Aqoonta Aan Camuud Ka Qaatay Waa Wasiirnimadayda Ama Waa Wasiirnimada Boqolaal Dhalinyara Oo Noloshooda Ku Maareeya Aqoontaasi Ay Ka Qaateen Jaamacada Cammuud Waanad Ku Xad Gudubtay Wasiir Nimadooda Xaqna Uguma Lihid Taasi Wasiir. Hadii Aad Dhaleecayn Samaynayso May Ahayn Inaad Dhaleecaynta Caynkaasi Ah Saxaafada Mariso Oo Aad Sidaa Ugu Ciyaarto Mustaqbalka Boqolaal Dhalinyaro Waxkabarta Oo Ku Qanacsanaa Waxbarashada Jaamacada Kagana Ilaalinayey Naftooda Tahriibka Iyo Niyad Jabka Nolosha, Hiigsanayeyna In Ay Beri Anfici Doonto Oo Ay Noloshooda Wax Ka Badali Doonto Waxbarashadaasi Ayaad Shiki Iyo Walbahaar Ka Galisay Noloshoodiii , Wasiir Waxaan Filayaa In Ayna Lexo Jeclo Kaa Hayn Jaamacada Camuud Oo Ah Hanti Qaran Oo Ay Leeyihiin Ummada Reer Awdel Hadii Aad Dhaliilaysana Aad Maamulka Jaamacada Kala Hadasho Ood Kala Faaqidooto Sideen U Hagaajisan Karnaa ,Laaakiin Hadalkaagu Wuxuu Ahaa Dagaal Mustaqbalka Boqolaal Aan Ka Mid Ahay Aad Ku Qaaday Oo Niyada Ka Dishay. Takale Wasiir Ma Ilawday In Odayga Jooga Koonfur Gunteed Iyo Ka Jooga Barri Guntii Ay Ku Taamaan Sidii Ay Caruurtooda Ugu Soo Diri Lahaayeen Jaamacada Camuud Kadib Markii Ay Arkeen Boqolaalka Safiir Ee Ay Jaamacada Camuud U Dirsatay Dhulka Gayiga Soomaaliyeed Een Ka Mid Ahay Anigu, Waayo Waxa La Noo Yaqaanaa Camuudiyiin Macalinka Camuudiga Ahna Waa Ka Wanaagsan Yahay Cidkasta Oo Katimid Meelkale Lagana Jecel Yahay Taasina Miyaad Ilawday, In Ay Keentay Tayadii Waxbarasho Een Kasoo Qaadanay Jaamacada Camuud Waxaan Ku Caano Maalnay Ummada Kaga Horaynaa Waa Jaamacada Camuud ,Hadaan Nahay Dhalinta Reer Awdal Iyo Guud Ahaanba Reer Awdel Oo Dhan. Waxaad Arkaysaa Marka U Horaysa Waxaa Lagu Su’ aalayaa Ma Camuud Baad Ka Timid Lagu Suaali Mayo Ma Boorama Ama Awdel Baad Ka Timid Taasina Waxay Ku Tusinaysaa Sida Safiirada Camuud U Gudbiyeen Aqoontii Ay Ka Soo Dhaansadeen Ceelka Ilaahay Barakeeyey Ee Camuud Adna Taasi Baad Indhaha Ka Riday  Oo Wasiir Aad Siyaasadaysay .

Waxa Lagu Hirtaa Oo La Raadiyaa Shahaadada Camuud Oo Waxaad Arkaysaa Dad Been Sheega Oo Yiraahda Camuud Baan Kasoo Baxay Intay Shahaadooyin Foor Jari Ah Samaystay Oo Ka yimid Jaamacado Kale Iyo Wadamada Jaarka Si Shaqo Loosiiyo Taasina Waxa Keentay Kadib Markii La Arkay Macalinka Camuudiga Ah Inuu Ka Tayo Fiican Yahay Kana Yaqaan Habka Macalinimo Cidkasta Oo Katimid Meel Kale . Kuliyad Waxbarashada Camuudna Tahay Ta Badashay Kuliyadii Lafoole Ee Jaamacadii Ummada Soomaaliyed Ahna Meesha Kaliya Ee Macalimiinta Usoo Saarta Dhamaan Dugsiyada Somaliland, Puntland,Gobollada Dhexe Ilaa Koonfurta Soomaaliya Ma Jirto Dugsi Aanay Joogin Waana Safiirada Keenay In Lagu Soo Hirto Jaamacada Camuud Kana Magac Dheeraato Gobolka Awdel Lana Barto Ummada Ree Awdel Dhaqankooda Iyo Heerka Ay Ka Taagan Yihiin Ummada Soomaaliyeed

Wasiir Ma Ilowday In Boqolaal Ka Mida Dhalinta Aan Macalimiinta U Nahay  Aan Ku Soo Hagno In Ay Yimaadaan Boorama Soona Hiigsadaan Meeshii Aan Ka Nimid Una Keenaan Gobolka Dhaqaale Ay Soo Galiyaan Ay Kiraystaan Guryaheena Lagana Helo Dhaqaale Soo Gala Gobolka Oo Aanan Ka Soo Galin Meelkale, Haddii Aanay Jaamacada Camuud Ahayn Meel Waxbarasho Qiimo Leh Laga Helo Miyay Dhici Lahayd Taasi. Wasiir Waxaan Ku Leeyahay Waan Ka Xumaaday Hadalkaaga Ad Saxaafada Ka Tiri Anagu Waanu Ku Qanacsanahay Jaamacadayada .Waxaan Ku Odhan Lahaa Hoos U Eeg Faaiidada Ay Keentay Jaamacada Camuud Kaliya Maaha In Aad Meel SoKe ka  Fikirto Hadii Aad Waxkale Ka Tirsanayso Waxay Leedahay Maamul, Guddi Iyo Macalimiin Waxay Ahayd Inaad Hoos Wax Ugu Sheegto Laakiin Hadalkaagu Waxa Uu Taabtay Cidkasta Oo Soomaaliyeed Kuna Taamaysay In Ay Ciyaalkooda U Soo Diraan Camuud Taasina Gaf Bay Kugu Tahay Wasiir Waynu Wada Leenahay Jaamacada Anigu Gaar Ahaantay Waxaan Ahay Nin Dhalin Yar Oo Waxku Bartay Kagana Bad Baaday Dhibaatooyin Badan Markaa Isha Ha Iga Ridin Wasiir, Maxaad Wasiir U Dhaleecayn Wayday Meelo Kale Ama Gabi Ahaanba Jaamacadaha Kale Ee Wadanka Ku yaala. Hadii Dhibi Jirto Camuud Kaliya Miyaa Cidkale Lama Qabto Miyaa, Hadalkaagu Ma Cada Wasiir.  Camuudi Waa Hooyaday Waxaan Kuu Arkay Nin Hooyaday Caayey Oo Hantidii Aan Wada Lahayn Ku Ciyaaray Taasina Xaq Uguma Lihid Ka Fiiri Faaidada Ay Gobolka U Keentay Jaamacada Camuud Iyo Gabi Ahaanba Somaliland Dhalinta Ugu Cad Cad Baa Ka Timid Ka Soo Baxday Kaga Bad Baaday Mugdi . Waxaa Igu Maqaalo Ah In Aad Adigu Jaamacad Hargaysa Ka Baxday Maxaad U Dhaleecayn Wayday .

Waxaan Filayaa In Hadii Aad Dhaleecayso Adigu Aad Is Cayday Ana Waa Meeshii Aan Tahriib Kaga Bad Baaday Nolosha Reer Awdalna Soo Kicisay Faaido togan  Iyo Mid tabanba U Keentay Kumanaan Reer Awdel Ah Ka Bilaw Hooyada Shaaha Ku Karisa Ilaaa Cidkasta Oo U Saraysa. Wasiir Waxaa Tahay Nin Reer Awdel Ah  Ama Reer Somaliland Ah Ha Fudaydsan Wax Qabadka Iyo Mustaqbalka Dhalinta Soomaaliyeed. Hadii Ay Camuud Waxba Noqon Waydo Ogow Ana Ma Jireen Oo Maan Keeneen Ama Masuul Kamaan Noqdeen In Aan Ku Soo Hago Jaamacada Boqolaal Dhalin Yaro Ah Oo Aan Macalin U Ahay Kadib Markay Arkaan Sida Aan U Dhisanahay Ama Dhamaan Dhalinyarada Camuudiyiinta Ah Cidkasta Looga Jecel Yahay Ugu Horayna Lagu Su aalayo Ma Camuudi Baad Tahay Mise Meelkale.

Ugu Danbayntii Wasiir Ha I Indha Tirin Ha Igu Soo Celin Mugdiga Ilays Baan Ka Helay Jaamacada Camuude Hadad Dhaliil Hayso Hoos Ugu Sheeg Oo Si Masuuliyadi Ku Jirto U La Dhaqan Ha Siyaasadeyn Hadii Aad Wax Ka Cabanayso Way Inaga Dhaxaysaa Jaamacaduye Hoos Ugu Fiirso Faaiidada Ay Gobolka U Keentay Ee Ayna Cidkale U Keenin

Mahadsanidiin Cidkasta Oo Akhrida

By Sir Abdiwahab Siciid Ibraahim

Tel: 0634451676

Email: Abdiwahab07@Hotmail.Com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images