Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Sarkaal Ka Tirsan Al-Shabab oo la Qabtay

$
0
0

shabaabHay’adda Nabad sugidda qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa maanta xaqiijisay in hawlgal ka dhacay degaanka Kaxda ee duleedka Muqdisho lagu qabtay mid ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab oo in muddo ah la doonayey.

NISA ayaa goor dhowayd ku sheegtay barteeda twitter-ka in ninkaasi oo lagu magacaabo Xasan Maxamed “Xasan Fanax” lagu qabtay hawlgalkaasi oo aan wax dhib ah ka soo gaadhin ciidankii fuliyey, sida ay hay’addu sheegtay.

Warar dhinaca amniga ah oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegaya in ninkaasi ay horey u doonaysay hay’adda nabad sugidda, madaxiisana la dul-dhigay lacag dhan $2,000.

Ninkaasi ayaa NISA sheegtay inuu ku lug lahaa weerarro lagu qaaday ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee dowladda Soomaalida gacan siiya.

Wariyeheenna Ibraahim Xasan Daandurey ayaa arintan ka wareystay afhayeenka  maamulka gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images