Awdalpress – London – Usbuucii inna soo dhaafay ayey ahayd markii uu Madaxweyne Siilaayo xilkii wasiirnimo ka qaaday Maxamed Jamac Abgaal. Waxana warqaddii xilka qaadistiisa si cad loogu xusay in amar diiddo lagu eryey wasiirkaa iyo taliyihii ciidanka badda ee isna la eryey. Laakiin mar uu wasiirku ka hadlay xilka qaadistiisa, waxa uu hadalkiisu ahaa mid aan hore looga baran, oo uu badheedhihiisu uu qarsoonaa.
Dadka u dhuun daloola siyaasadda Somaliland ayaa siyaal badan u fasiray casilaadda wasiirka, waxana loo sibir saaray qandaraasyo xoog badan oo ay ku loollamayeen maalqabeenno u kala tartamayey qandaraaska Kaybalka InterNetka. Waxana war aan sugnayni uu sheegayaa in wasiirku si hoose ula heshiiyey koox ku xidhnayd dhinaca Muqdisho, halka ganacsato reer Somaliland ahna uu sifir diray.
Warar kalena waxa ay sheegayaan in muddaba ay seeftu saarrayd Wasiirka iyo laba Wasiir oo kale oo ka soo jeeda Awdal. Sababtana waxa lagu sheegayaa in aanay culays badan ku lahayn degaannada ay ka soo jeedaan iyo arrimo kale. Dhawaanna waxa la filayaa in Madaxweyne Siilaanyo uu wasiirro kale bannaanka dhigi doono.
Sida laga soo warinayo xogo u dhuun daloola Madaxtooyada ayaa tibaaxaysa in Madaxweyne Siilaanyo uu ku mashquulsan yahay xulitaanka wasiirro aqoon iyo waaya aragnimo u leh maamulka. Wakhtina ay ku qaadan doonto soo xulista beddelkii wasiirka iyo wasiirrada kale ee la cuni doono.
Illaa immiga wararka soo gaadhaya shabakadda awdalpress.com ayaa sheegaya in la hadal hayo, aqoonyahanno waaya arag ah. Isla markaana heer caalami iyo heer degaanba macruuf ahi, in ay ka mid noqon doonaan gobolaha wasiirrada cusub ee tayada leh.
Dadweynaha reer Awdal ayaa iyaguna aad u hadal haya isbeddelka soo socda, waxana ay waxgaradka gobolka iyo dadka jecel in la qurxiyo maamulka Somaliland ay rajo ka qabaan in wasiirrada cusubi ay noqdaan kuwo miisaan culus leh, balse aanay noqon, muqayiliin af-maal ah, oo aan aqoon iyo waaya aragnimo midna u lahayn maamulka.
Mar aan xuuraamminnay wararka la isla dhex marayo suuqa ayaa dadku u badan yihiin ka hadalka dhinaca qabiilka, waxana ay leeyihiin Mohamed Jamac Abgaal waxa lagu beddeli doonaa nin ay isku beel ka soo wada jeedaan, laakiin beeshaa lafteedu ay saf ballaadhan u soo gashay kursigan bannaanaaday, dadka ugu qaylada dheerina waxa ay u badan yihiin da’yar u harraaddan boobka hantida dadweynaha, inkasta oo ay jiraan kuwo aqoon leh oo u qalma in ay maamul qabtaan.
Isku soo wada duuboo, sida looga bartay dawladda Siilaayo, ayaa la filayaa in kursiga Wasiir uu banneeyo lagu beddelo nin kale ama haweenay kale oo reerkooda ah. Inta badanna looma eego waaya aragnimo iyo aqoon, balse waxa muhiimadda la saaraa taageerada oday dhaqameedyada oo malaha xal loo arko.
Wasiirrada kale ee la filayo in daaqadda laga tuuri doonaana waxa ay cagaha kula jiraan maamul xumo, musuq maasuq iyo arrimo xasaasi ah, isla markaana waxa qaarkood laga hayaa hadallo si qaawan ay saxaafadda u mariyeen, iyaga oo dagaal kula jira shakhsiyaadka lama taabtaanka ah ee ay reer Somaliland ku faanaan.
La soco liiska dadka safka ugu jira wasiirnimo.
Awdalpress




