Wariye Mohamed Omer Jaray oo muddo ku dhaw bil ku xidhnaa saldhigga dhexe ee magaalada Borama, ayaa maalintii shalay ahayd xorriyaddiisii dib u helay. Waxana markii la soo daayey si weyn loogu soo dhaweeyey degaanka u dhexeeya Borama iyo Dilla.
Markii uu Dilla soo gaadhayna waxa la kulmay madax dhaqameedyada iyo waxgaradka degmada Dilla, waxana halkaa hadallo ka soo jeediyey Suldaan Abdirahman Hussein Bile iyo Ibrahim Aw Rabash oo gabay ka tiriyey munaasabaddii lagu soo dhaweeyey.
Halkan ka daawo:
Awdalpress




