Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Halku Dhaga Maanta: Hadaan isku Tiirsanaano waan Guulaysaynaa

$
0
0

Waxaa jirta xikmad hore oo tidhaahda tafaraaruq waa burbur iyo baaba’, isku xidhnaan iyo isku tiirsanaanaa waa guul iyo wanaag horseedi karta barwaaqo iyo raarayn, halkudhigaas waa mid laga wada yaqaano caalamka hore u maray iyo ka soo korayaba, waxaanan xasuusta sheekadii odaygii Somaliyeed ee u dardaarmayay reerkiisa oo baladhnaa iskuna xidhay ulo uu tusaale ugu soo qaatay tirade reerkiisa oo yidhi nin walowba isku day inaad jabiso, ayna suura gali waydo in ulahii isku xidhnaa lakala jabiyo, ka dibna ulaahii intuu kala furay yidhi nin walowba isku day inaad jabiso, nin walibana si aad u fudud u kala jabiyay ushii ku aaday….odaygii reerkuna yidhi hadaad isku xidhnaataan waa taas aad arkaysaan, hadaad kala tafaraaruqdaan waa taasi kale ee aad arkaysaan…xikmaadaasi ma ahin mid ku kooban uun odaygaas, ee waxaa jirta in wadanka Maraykanka oo aan ognahay quwadiisa dhaqaale iyo aqooneed, mar walba dadka ku nool oo kala midab ah, dhaqan ah, diin ah hadana lagu dhiiri galiyo UNITED, we stand…DIVIDED, we fall…waxaanan halkaas ka garan karnaa mar labaad nuxurka uu leeyahay isku xidhnaantu..

Waxaa jirtay hadaba in reerkan Awdal,Selel, Gabiley dega beryahan danbe aad moodaysayay in lagu mashquuliyay sadex dhardhaar oo jiray taariikh ahaan, laakiin aanay dani ugu jirin hadii ay rabaan in ay siyaasad ahaan ku camal falaana u keentay burbur wayn oo dhinaca siyaasada reerka soo wajahay beryahan danbe, aanad arkaysaa marka ay rabaan in xaqa kaqa maqan dawladaha ay ka tirsan yahiin xagay marka hore kula xisaantami lahaayeen reer ahaan ay sadex dhardhaar kula xisaabtamayeen keentayna in lagu qoslo oo xaaladu noqotay ay is cunaysaa Waraabe iskama celiso…Professor Samatar markuu  dalka tagay dhawaan waxaan article kan ka horeeyay ka qoray oo ahayd Professorku ma midaynkaraa siyaasada Samaroon ee lagu jaha wareeriyay sadex dhardhaar oo aanay dani ugu jirin burbur mooyaane, aniga oo urkayay nabar reerka ku yaala oo u baahan in la daaweeyo hadaan rabno inaan siyaasadeena kor uga qaadno halkan ay manta marayso oo dano faro badan iyo waxyaabo badan oo reerku xaq u lahaa lumiyay, dareenka aan qabayna ahaa in Professorku manta hadii uu wadankii ku noqday wakhtina helay uu leeyahay kartidii maskaxeed , aqooneed iyo waayo aragnimo ee arintaas lagaga midho dhalin lahaa amaba lagu meel marin lahaa.

Labo bilood ka dib, waxaan shalay daawaday oo aan aad ugu farxay  iyada oo reerkii isku yimid, ragii ugu karaamada badnaa oday dhamaqameedka iyo cuqaashana  ay ka dhawaajinayaan in midnamadu reerku tahay muqadas, laa’aanteedna wax wayn oo inoo qabsoomi karaa jirin, iyo inay sameeyeen gudiyo iskugu jira odayaal iyo aqoonyahona arintaas ka shaqaysaa , ta aan u baahanay waa taasi. Waxaa kale oo iyadna muhiim ah in mararka qaarkood gudiyo la sameeyo iyada oo wanaag la wada rabo, nasiibdarose, gudiyadaas fashilmaan sababa ay ugu horaysa dadka gudiga noqonaya oo aan u bislayn dhinac caqliyeed iyo aqooneedba inay hawshaasi fulin karaan, markaa gudiyada la dooranayo marwalba waa in laga taxadiro oo loo doorto dad hawsha qaban kara. Waxaa iyadna aad looga dhawaajiyay muhiimada ay leedahay dekad in la helo iyo dhismaha dekeda Lughaya…dhismaha dekadu ma ahin shaqo sahlan, laakiin waa hawl lagu qaban karo iyada oo gacmaha la iswada haysto, lana helo gudi dadku ku tuhmayaan karaamo, daacadnimo iyo hawlkarnimo oo lacagahooga ku aamini karaan iyo inaay shaqaadaas ka soo bixi karaan, gudidaas oo ka hoos shaqayn karta gudiyada hada jira.

Waxaa iyadna muhiim ah in la helo oo la sameeyo web-page/site lagu magaacaabo dhismaha dekada Lughaya oo soo bandhiga macluumad balaadhan oo isagu jira maxay tahay faa’iidada dekadan keeni karto amaba aan uga baahanahay dekada Lughaya taas oo jawaabtu tahay in la helo Dekad aan xoolaheena ka dhoofsano, kalana soo degno alaabta aan u bahanahay iyo shaqo in loo abuuro dadkeena…dhaqaalaha ku baxayana la qiimeeyo wajiga koowaad dadkana loo soo bandhigo sida lagu heli karo oo noqon kara dhawr waji oo kala ah in dadka laga ururiyo lacagta koowad oo ah qof waliba waxuu awoodo min hal dollar iyo kumaankun dollar, deeqaha wadanka la keeno oo Lughaya ka mid tahay dhulka xaqa u leh in wax laga qabto iyo hay’aadka aan dawliga ahaayn.

Web-pagekan waa in uu noqdo mid sharciyaysan oo xataa dadku ku bixin karaanlacagaha tabaruca dekada Lughaya, mustaqbalkana ay kale socdaan xagay wax maalinwalba marayaan.

Ilaah Towfiiqda ha ina waafajo

Kaiser Ali

Kaiserali90@gmail.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles