Boorama(Awdalpress) Ciidamada RRU Somaliland ayaa Saaka Ilaa duhurnimadii maanta hawl galo ka fuliyey qaybo ka mid suuqa magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal kaasi oo ay xabsiga ku taxaabeen 7 qof kuwaasi oo aan ilaa imika la garaynin sobabta xabsiga loogu taxaabay .
mar shabakada wararka Awdalpress ay xidhiidh la sameysay qaar ka mid ciidamada Amaanka Magaalada Boorama ayaa noo xaqiiyey in tuhun lagu soo xidhay dadkaasi isla markaasina 4 ka mid ah ooda laga qaaday halka 3 dii qof ee kale wali baadhitaanku ku socdo .
Amaanka magaalada Boorama ayaa aad loo adagkeeyey iyada oo ay soo dhawdahay 18 May oo dhamaanba Magaalooyinka Burco,Boorama,Berbera iyo magaalooyinka kale ee Somaliland looga dabaal dago maalinta gooni-isu taaga Somaliland .
Awdalpress/Boorama