Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidanka ammaanka Burco oo xiray afar lala xiriirinayo al-Shabaab

$
0
0

CiidanAwdalpress(Burco) 21 Aug, 13–Ciidamada maamulka Somaliland ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxay ku soo qabteen afar qof oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin kooxda al-Shabaab.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Sheekh Saciid Axmed Jaar oo ka mid ah culumada sida weyn looga yaqaanno gobolka Togdheer.

Xaaska Sheekh Saciid, Saynab Cali Warsame ayaa sheegtay in xalay saqdii dhexe ay ciidan u soo galeen guriga, islamarkaana ay kaxeysteen seygeeda oo ay sheegtay inuu ahaa qof nabadeed oo ganacsade ah.

Waxay sheegtay inaysan ogeyn sababta loo kaxeystay Sheekha.

Taliyaha Booliska gobolka Togdheer Gaashaanle Axmed Cabdiraxmaan Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in afarta qof ay qabteen xilli ciidanka ay ku guda jireen howlgal lagu sugayay ammaanka, islamarkaana loo gudbiyay magaalada Hargeysa, si su’aalo loo weydiiyo.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles