Awdalpress – London – Maalintii shalay ee bisha May ay ahayd 30ka sannadka 2016 ka, waxa dadka degaankaasi Dharaar Waxar ee hoos yimaadda degmada Dilla, ay ku kulmeen xaflad lagu furayey madarasad lagu barto diinta Islamka iyo xifdiga qur’aanka, waxana xafladdaasi ka soo qayb galay wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayey.
Waxana uu Wasiirku warbixinno ka dhageystay duqaydii iyo waxgaradkii halkaa isugu yimid oo uu ugu horreeyo Mohamed Hussein Hirsi Bullaale oo ku hadlayey magaca qoyska dhisay maddarasaddan ay wax ku baran doonaan dadka degaanka oo aad u badan. Ceelaabe Mohamoud Hufane oo isna ka mid ah duqayda degaanka degmada Dilla ayaa isna warbixin guud oo dhinaca waxbarashada diinta ah ka soo jeediyey halkaasi, isaga oo tilmaamay in aanu dugsigan immiga la furayaa ahayn ka keliya ee ay degmadu leedahay, balse ay jiraan laba dugsi oo Dilla ku yaal, mid Jaarraahoroto ku yaal iyo mid Geed diqsi ku yaalla. Waxana uu wasiirka ka codsaday in dugsiyada noocan ah loo sameeyo manhaj ku gaar ah oo heerarkoodu kala sarreeyaan.
Deegaankaasi Dharaar Waxar oo ka tirsan degmada Dilla waxa hore looga hir geliyey dugsi hoose dhexe oo ay arday badani wax ka barteen, si fiicanna u shaqeeya. Dugsigaa oo ay dhismihiisa iyo hirgelintiisaba ay iska kaashadeen qurba joog ka soo jeeda degaankaasi Dharaar Waxar.
Gaba gabadii waxa iyaguna ka hadlay duqaydii kulanka isugu timid iyo wasiirka Awqaafta Somaliland.
Halkan ka daawo:
Awdalpress