Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Muqdisho: Qaraxyadii ka dhacay hutel Ambasador khasaaraha ka dhashay

$
0
0

imageAwdalpress(Muqdisho) 01 Jun, 2016–Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerartay caawo hoteelka Ambassador oo ku yaalla waddada Makka Mukarama ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka soo baxayaan warar dheeraad ah. Wararka ayaa sheegayo in qaraxyo laga maqlay bannaanka hoteelka, gudahana ay u galeen dabley hubeysan.
Qaraxyada ayaa ahaa ismiidaamin. Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn inta uu la’ogyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, haddana wararka ayaa sheegayo in dad badan ay ku dhinteen oo ay ku jiraan ilaa hadda inta xaqiijiyey laba mudane oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, Cabdullaaahi Jaamac Kabaweyne iyo Maxamuud Guure.
Wariyaha Bar-kulan ee Muqdisho, ayaa soo sheegayo in ciidamada dowladda ay hoteelka ka soo badbaadiyeen dad badan oo qaarkood ay yihiin xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.
Ilaa 50 qof oo qabo dhaawacyo kala duwan ayaa la geeyey isbitaallada magaalada, waxaana hadda socda howlo kale oo samata-bixin ah oo wali dadka hoteelka ku jira looga soo saarayo.
Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya, waxay sheegtay in ciidamada dowladda ay hoteelka ku sugan yihiin oo ay wadaan howlgal sifeyn ah iyo in wali dadka ku xaniban laga soo badbaadiyo.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images