Haddii aan u soo dego gundhigga iyo ujeeddada, waxa aan dhawaan SURVEY ku samaynay sida ay u kala cod badan yihiin beelaha ama degaannada gobollada Awdal iyo Salal, waxana noo soo baxday in dadka is diiwaan geliyey ay u badan yihiin Borama inta bariga ka xigta oo qiyaas ahaan la odhan karo waa 65% marka la bar bar dhigo tirada iska diiwaan gelisay gobolladaasi.
Had iyo jeer waxan maqallaa: doorasho, doorasho, doorashaa ka dhacaysa Somaliland…..musharrax, musharrax, musharrax…..xisbi hebel, xisbi hebel iyo xisbi hebel. Xuuraan iyo doodo ayaana inta badan ay dadka reer Somaliland gudo iyo dibadba ka yeeshaan kolba sheekada siyaasadeed ee socota, weliba wakhtiga doorashu ay soo dhawdahay, amma ololaha doorashada la wado aad iyo aad ayey xarkadu u badan tahay. Iyada oo jilayaasha ama ciyaartoyda siyaasada hadal hayntooda la badiyaa ay kala yihiin hebel, hebel, hebel iyo hebel.
Oday dhaqameedyada siyaasiyiinta ah iyo af-miinshaarrada ayaana suuq fiican ka hela arrimahaa ka shidan mijilisyada iyo suuqyada, waxana ay u kala dab qaadaan kooxaha kala taageera xisbiyada, musharrixiinta iyo dadka doorashada laga rabo.
Siyaasiyiinta xisbiyada, musharrixiinta iyo taageerayaashoodu waxa ay socdaallo ku gaalaa bixiyaan dibadaha, magaalooyinka iyo tuulooyinka. Iyaga oo si fiican film-ka siyaasadda u jilaya ayaa ay fagaarayaal iyo tiyaatarro waayey uga qudbadeeyaan shacabka, waxana ay uga warramayaan waxa ay jecel yihiin. Kadibna shir doceedyo ayey la galaan dadka ay booqashada ugu tageen, waxana ay doc walba u ballan qaadaan in ay fulin doonaan dalabkooda.
Aniga iyo ciidan badan oo aan isku fikir nahay, wararka ayaan dhaga dhagaynaa, ka faalloonnaa, waxana ay ugu danbaynta nala tagtaa qabiilooyin iyo qabyaalad. Faaqidaadda noocaasi ahina waa mid goob wal oo siyaasad lagu faaqidayo lagaga sheekaysto. Marka lagu sheekaysanaya ceeb looma arko, balse haddii ninka siyaasiga ah amma taageerayaashoodu qudbadaha ku dari lahaayeen xaqiiqada guyaha lala hoos dhiyo, waa lala yaabi lahaa ama dadka ayaaba ku sii kala fogaan lahaa. Waxana la door bidaa in la shuuqsado, oo si kaftan ah suuqa la isugu duur xulo.
Sida runta ahna waxa ay arrinta qabiilku si run ah uga shaqaysaa gudaha beelaha, oo lagu faaqidaa sida loo soo saari lahaa ninka ay beeshu wadato. Waana bartaa halka ay doorashada Somaliland iyo meel ay Somaliyi joogtaba ay salka ku haysaa.
Sidaasi daraaddeed ayaan maanta si caddaan ah u lafa guraynaa, doorasha Somaliland ka socota iyo sida ay dhabarka ugu hayso beelo ama loo kala guulaysan karo.
Xisbiyada saddexda ah ee Kumiye, Waddani iyo UCID waxa ay salka ku hayaan beelaha ay ka soo jeedaan iyo xulafadooda, la iskumana diiddana in ay sidaasi tahay. Waxanan ka warqabnaa in shalay markii Ahmed Siilaanyo soo baxayey ay beeshiisu shir ku qabsatay GAR’ADAG. Go’aammadii la guddoonsadayna ay fuleen. Beeshii taageeraysayna ay yar iyo weyn shilin waxay hayeen iyo daalba uu ka dhammaaday. Sidiina ku soo saareen Ahmed Siilaanyo.
Wakhtigaa jaaniskii jiray ee ay beeshaasi ku heshay guusha maanta ma taagna, haddii aan dib u milicsannana waxa ay loollankeeda udub dhexaad uga dhigtay in ay xukunka ka ridayaan nin galbeed ka soo jeeda, oo waa sida ay ku ololayn jireene, aan dareemayn dhibtii beelweynta ku dhacday. Isla markaana ay gunnimo ku tahay in reer kale uu dhakada kaga sii joogo beelweynta soo dagaallantay.
Doorashada maanta la galayo, beelweyntii ayaa isku soo baxsatay, waxana ay isku yihiin jiq iyo jiq. Kii laga badayaana waa mid laga raadin doono meelo fog fog. Barwaaqadana ay u hadhi doonaan kuwa guusha helaa, laakiin dagaal sokeeye iyo wax la mid ah loogama cabsi qabo Somaliland. Beesha guulaysataana waxa uu Musharraxoodu ku fadhiisan doonaa kursiga ugu sarreeya ee Somaliland. Madaxweyne Siilaanyana si sharaf leh ayuu u guddoonsiin doonaa shaalka Madaxweynenimo.
Haddaba haddii ay saddexda xisbi isku jiq yihiin, oo waliba labada isku soo baxdaa ay ku kala bixi doonaan beelaha darifyada kuwooda ugu codka badan, xisbigii hanta kuwaasi ayaana guushu raaci doontaa. Laakiin baala xooftada immiga socota iyo hebellada la sheegayaa maaha mid sida immiga loo sheegayo u shaqayn doonta. Sir iyo jar ayaana la isla maaggan yahay, qof gaar loo jecel yahay oo la hubo in uu dadkiisa keeni karaana waaba iska yar yahay. Fariidnimo iyo shahaadado la qiimaynayo oo ninka ama gabadha reer hebel ay ugu hiillin karto musharrax reer kale ka soo jeedaana waa mid aan dhacayn. Waayo waaqaca siyaasadeed ee Somaliland ama Somaliyeed ayaaba ah mid qabali ah.
An u soo dego gundhigga iyo ujeeddadaydee, waxa aan dhawaan SURVEY ku samaynay sida ay u kala cod badan yihiin beelaha ama degaannada gobollada Awdal iyo Salal, waxana noo soo baxday in dadka is diiwaan geliyey ay u badan yihiin Borama inta bariga ka xigta oo qiyaas ahaan la odhan karo waa 65% tirada gobolladaa iska diiwaan gelisay. Sababta ay uga bateen jiidaha kalena waa sidan:
- Shacabkaasi oo si isku duubni ah maanta u go’aansaday in ay 100% u codeeyaan xisbiga ay dantoodu ku jirto.
- Shacabkaasi oo qodaal ah, dadkuna ay jiidahaasi aad ugu badan yihiin.
Sidaa awgeed xisbiyadu cod bay rabaan, musharrixiintuna taageero ayey keeni karaan, xisbi wallibana shaxda dhan buu ka ciyaarayaa, shukaansiga hoosena kama maqna. Tusaale ahaan, xisbiga Waddani waxa dhinaca galbeedka uga tartamaya laba musharrax iyo qaar aan weli is caddayn. Waxana la sugayaa in ay ku kala baxaan shirka golaha dhexe ee qabsoomi doona bilaha innagu soo socda. Xisbiga Kulmiye isaga waa lagu kala baxay labadiisii musharraxna waa bannaanka, waxase uu sugayaa natiijada xisbiga Waddani oo ay ka faa’iidaysan doonaan qaladaadkiisa. Xisbiga UCID isagu waa dhaawacan yahay, waxana weli la sugayaa in uu dhaawaciisa dhaymo u helo, doorashada 2017 dhici doontana rajada uu leeyahay waa mid aad u liidata.
Isku soo wada duuboo, Muuse Biixi waxa uu filanayaa in uu guulaysto, Abdirahman Cirrana waxa uu filanayaa in uu guulaysto, laakiin sida ii muuqata midka guulaystaa waa ka hanta cududda gobollada galbeedka ee dihin.
Awdalpress.com





