Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xildhibaanka Golaha Wakiilada ee ka hadlay mansabka D/hoose waxaan leeyahay siyaasada waad ku cusubtee horta tabarbar qaado.

$
0
0

” Ugu horayn waxaan salaamaya bahada saxafada. intaa ka dib xildhibaanku wuxuu ka hadalay arin dawalada hoose ku saabsan iyo qof yar oo shaqala ah, xildhibaan waxaan kaa filaynay inaad dawalada dhexe wixii saami ah ee inagaga maqan aad doon doonto.laakiin kaama aanaan filayn in aad tidhaah kacdoon baa la samayn. hadal kaaga waxaan u kala qaadi sadex qaybood, 1, Arinka xoghayaha eed aad tidhi kacdoon baa ka dhici iyo sadex beelod ayaa wada daga ,waxaan ku xasuusinayay, waxkhtigii marxuun cigaal alaha u naxariistee ee beesha aad ka soo jeedo u magacaabay mayar iyo badhasaab, ma jirin xildhibaan yidhi kacdoon baa dhici ama qof kale oo ka hadlay arimahaas. markaas sadexda beelod way jireen, cidna kama hadal, xoghayayar inaad tidhaa kacdoon dadwayne ayaa dhici wa nasiib daro. 2, Arinka Badhasaab ka, horta marka aad wax dhaliilaysid waa in aad u cuskataa wax la taaban karo oo cad, mana aha badhasaabku wasiirkii arimaha gudaha, ee xoghaye magacaabayay,mana jirto beel uu fogeeyo iyo mid uu soo dhawaysto. 3, Mida Sadexaad waa waano waxaan xildhibaan ku leyahay waxa badan ayaa goblka kaga maqan dawalad dhexe, adiguna waxaad tahay xildhibaanada G/Awadal loo soo doortay, ee doon waxa inaga maqan waxa kacdoon ah oo dhacayana majirto, ee dadka ha kicin ayaan lagugu qaadin maamus ka xayuubin. waxa aad gashay gef qaran oo kacdoon dadwayne. Hadalka kaa soo yeedhayna waa midkii uGu horeeyay ee aad warbaahinta kaga hadasho adiga oo dhawaan dhaxal ku yimid oo sanad gaadhin, waxaanan kugula talin lahaa waad cusub tahaye horta Tababar fiican qaado, oo beelaha G/Awdal sida loogu wada hadlo baro ma tihid xildhibaan gole deegaan ee waxaad tahay xildhibaan Gole Baarlamaan.

Mustafe Faarax Dhoore

mustafe09@hotmail.co.uk

Boorama


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images