Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Xasan oo booqday dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

$
0
0

xasan-jigjigaAwdalpress(Jigjiga)12 Aug, 2016–Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa khudbad u jeediyay golaha wasiirada ee dowlad deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa booqday magaalada Jigjiga ee caasimada DDSI, waxaana si diiran u soo dhaweeyay M/weynaha dawlad deegaanka soomaalida Ethoipia Cabdi Maxamud Cumar

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa horay u tagay magaalada Jigjiga, sidoo kale waxaa booqasho ku tagay qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ka jira Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay ee uu madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo magaalada Jigjiga, ee dhulka dowlad deegaanka Soomaalida, ee Itoobiya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images