Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xukuumada Soomaaliya oo ansixisay qaabka loola dhaqmi doono dadka ka soo laabta Xag-jirnimada

$
0
0

Awdalpress(Muqdisho) 12 Aug, 2016–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah u ansixiyay qaabka loola dhaqmayo dadka ka soo laabta xag-jirnimada.

Wasaarada amniga gudaha ayaa laga dhageystay warbixinta amniga kadibna waxay golaha u soo jeedisay in la ansixiyo siyaasadda dawladda ee dadka isa soo dhiiba ee ka soo laabta fikradda xag-jirnimada taasoo muddo seddex toddobaad hortiilay Golaha Wasiirada.

Dood iyo falanqeyn kadib Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay qaabka loola dhaqmayo dadka ka soo laabta xag-jirnimada.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa kulanka ay yeesheen waxay uga hadleen amniga dalka iyadoo Wasaaradda Gaashaandhiga ay ka warbixisay howlgalo maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada DANAB ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in horjooge qabiir ku ahaa sameynta qaraxyada oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab in ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka DANAB.
RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images