Awdalpress(Borama) 19 Aug, 2016– xogo dheeraad ah oo shabakada Awdalpress ka heshay Kulankii dhexmaray weftigii Siilaanyo hogaaminayay iyo waxagaradka Awdal ayaa ilo ku dhawaa u xaqiijiyeen in laba qodob ugu muhiimsanaayeen kulanka, kuwaas oo kala ahaa lix goobood oo Awdal ka tirsan oo xayiran iyo saamiga siyaasadeed ee golayasha oo rer Awdal in la saxo rabaan inta ka horaysa doorashada Baarlamaanka.
Hadaba arinta goobaha waxa ku dheeraaday gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, wuxuuna cadeeyay in Lixda goobood ka mid yihiin gobolka, balse qolyo damac wadaa rabaan inay ku daraan Hargaysa, wuxuu intaas raaciyay in1960 iyo intii ka dambaysa ba goobaha as laga xukumayay gobolka..
Hadalka labada qodob ee saamiga iyo goobaha markii lagu raagay ayaa M/weyne Siilaanyo hadalka qaatay wuxuuna ku gunaanaday in saamiga dib loo sixi doona, goobaha waxa laga yeelayaana ay u taal xukuumadiisu,.
Waxa aad loo hadal hayaa go’aanka uu qaatay siilaanyo u noqon doono kuwo qancin Kara Rer Awdal iyo inay noqdaan qaar sii fogeeyo, Axmed Siilaanyo ayaa si kadis ah u safar lama filaan ah ugu tegay gobolka Sool degmooyin ka mid ah kuna sii jeeda Laascaanood.
Waxana la isweydiinayaa ujeedada uu ka damacsan yahay siilaanyo safaarada Awdal iyo Sool ah, dadka qaar ayaa rumaysan in sanduuqii kaalamada somaliland wadamadii bixin jiray ku amreen in dawladiisu cadayso sida shacabka goboladaasi uga raalida yihiin hanaanka dawladnimo ee somaliland oo noqotay mid ku soo ururtay nidaam Hal beel ah.
Awdalpress
↧
Xogaha dheeraad ka ah ee Kulankii siilaanyo iyo waxgaradka reer Borama..
↧





