Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dawladnimada iyo oday dhaqameedka Somaliyeed.

$
0
0

Screenshot_2016-03-20-13-57-41-300x169Oday dhaqameed …oday dhaqameed ….oday dhaqameed, marka aad maqasho maxaa maskaxdaada ku soo dhaca? Waa kuwa aan ugu yeedhno Ugaasyada, Boqorrada, Salaadiinta, Caaqillida, Islowyaasha, duubabka iwm.

 

 

Xilligii hore 

 

 

Wakhiyadii hore ee Isticmaarka ka horreysey, waxa ay lahaayeen qaab iyo hannaan ay hawshoodu u socotay, bulshada ay matilaana ay ku daba socotay. Xilligaa oo ay xaddaaradda bulsho ee is maamul bilow ahaa. Is dhagaysiga, kala danbaynta iyo u hoggaansanka taladooyinka lagu ballamaana uu ahaa mid aad loo xeeriyo.

 

Madax dhaqameedku dadka degaanka ama beesha  ayuu u ahaa xidhiidhiye iyo calaamad, taladana waxa xuddun u ahaa xeerbeegtigiisa oo ka koobnaa dhammaanba waxgaradka bulshada degaankaasi. Reer wallibana waxa uu xeer beegtida kaga qayb geli jiray tirada iyo dhaqaalaha ay leeyihiin.

 

Xilligii gumaysigana waxa ay adeegayaal ama u dhaxeeyayaal u noqdeen gumaysigii iyo shacabka ay hoggaaminayeen. Tixgelin weyna waxa ay ku lahaayeen bulshada ay matilayaan iyo taliskii gumaysiga oo ay wada lahaayeen wada tashi.

 

Xilligii ay Somaliya Dawladnimamda qaadatay.

 

 

Illaa iyo 1960 oo ku beegan xilligii ay Somali dawladnimada qaadatay, waxa ay madax dhaqameedyadii dhulka dhigeen mas’uuliyaddii ay dadka afkooda ku hadli jireen. Waxana ay taladii u daba fadhiisteen xukuumadihii is daba joogay ee ay Somalidu is xukumaysey.

 

Laakiin markii uu maamulkii Somalidu xumaaday wakhtigii xukunkii Siyaad barre, ee musuq maasuqa iyo qabyaaladdu xoogaysatay ayaa oday dhaqameedyadiina ay cummaddoodii siigada ka jafeen, oo ay tartiib tartiib u soo noolaadeen, iyaga oo gacan ka helaya xukuumaddii Millitariga ahayd. Waxana ay shaqadoodii ku bilaabeen dhaqan ka geddisan habkii hore ee maamulkooda dhaqan ahaa.

 

Sabab dhaqaale iyo tu qabiil ayeyna u iisheen, iyaga oo la saan qaadaya dhaqan xumadii maamul ee xilligaa jirtay.

 

Xilligan aah ku jirro

 

 

Markii uu dalkii la odhan jiray Somaliya bur buray, ee ay Somalilandna xorriyaddeedii la soo noqotay, ayaa waxa si xawli ah ay oday dhaqameedyadii hore iyo kuwa aad u badan oo cusubi ay ganacsigoodii dhaqan dhaqaale ku ladheen mid siyaasadeed. Iyaga oo ka duulaya qabyaaladda oo cirka isku shareertay.

 

Dhinaca Somaliland markii ay gooni isku taagga iclaamiyeen, ee ay kulannadii ugu horreeyen aadka uga qayb galeen shirarkii nabadaynta beelaha woqooyi. Ayaa waxa loo arkay in ay iyagu keeneen nabaddaasi. Waxana ay halkaa ka heleen sumcad lagaga danbeeyo.

 

Muqdisho iyo gobollada koonfurta Somaliyana waxa oday dhaqameedyadii ka xoog batay dagaal oogayaal. Inkasta oo ay oday dhaqameedyada laftooda qaar ka mid noqdeen dagaal oogayaal. Kadibna, waxa dagaal oogayaashii ka xoog batay culimo ama wadaaddo qori sita. Haddana kuwii danbe ayey gadhka u casaysteen, oo isku saf noqdeen. Dawladnimadii koonfurta Somalia u soo noolaatay eyey haddana bud dhig u noqdeen, oo looga maarmi waayey in ay Madaxdweynaha iyo golaha baarlamankaba soo xulaan.

 

Somalilandna waxa ay hore u sii dhex galeen hawlihii dawladda iyo dhaq dhaqaayadii maamul ee maalinlaha ahaa. Xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland soo marayna waxa ay ku yeesheen culays aad u weyn, oo ay caqabad ku noqdeen. Illaa iyo immigana caqabad ku yihiin.

 

Laakiin oday dhaqameedyada Somaliland ma laha awoodda soo xulista Madaxweynaha iyo baaralamanka, waxase ay mar walba usha u lulaan ragga damaca siyaasadeed leh, ee doonaya ay hoggaanka qabtaan. Shirar doceedyo iyo hadallo ay saxaafadda mariyaan ayaanay ku dagaal galaan.

 

Sida badan dadka reer Somaliland waxa ay yidhaahdaan oday dhaqameedyadu dantooda ayey u ordaan, waxana ay u bixiyeen magacyo ay ka mid yihiin ODAY BACLAYAAL, ODAY HUNGURI IWM. Hase yeeshee, waxa ay haddana aad uga muuqdaan saaxadda siyaasadda iyo media aha.

 

Lama dafiri karo oday dhaqameedyo u hadla dadkooda iyo degaannadooda, oo daacad ah. Laakiin waa fara ku tiris, waxana ka badan kuwa danta guud ka hor mariya dantooda ama danta siyaasiga ay wataan .

 

Haddaba akhristow ma taageersan tahay in la kala saaro oday dhaqameedka iyo siyaasadda dawladda ama maamulka dawladda?

Mise waxa fiican in maamul, dawlad, siyaasi iyo oday dhaqameedba la is yaaco?

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images