Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qaxooti cusub oo gaadhaya 300,000 ayaa dawladda Jarmalku sheegtay in ay dalkooda ku soo fool leeyihiin.

$
0
0

breaking-newsAwdalpress – London – Dawladda Jermalka ayaa filaysa in dalkooda ay soo gaadhaan qaxooti gaadhaya 300,000 oo qof sannadkan gudahiisa, sida uu sheegay xafiiska federaalka u qaabilsan soo galootiga iyo qaxootiga.
Frank-Juergen Weise ayaa u sheegay wargayska Bild am Sonnntag in xafiiskoodu ku mashquuli doono xal u helidda haddii dadka faraha badan ee la filayaa ay soo galaan dalkooda.
Inkasta oo uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in tirada dadka cusub ee imanaya ay ku ekaan doonaan qiyaastooda.

In ka badan hal milyan oo soo galooti ah ayaa sannadkii hore gaadhay dalka Jermalka, kuwaas oo ka kala yimid Bariga Dhexe, Afghanistan iyo Afrika.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jermalka ayaa sheegtay in ay 390,000 oo ruux ay magangalyo waydiisteen lixdii bilood ee hore ee sanadkan. Laakiin lama hubo inta qof ee dalka soo gashay sannadkii 2015 laakiin magangalyada waydiistay sanadkan horaantiisii.
Weise ayaa sheegay in Jermalku uu isku dayi doono in shaqo la siiyo intii loo awoodaba, balse wuxuu sheegay in dhexgalka dadka Jermalka ah ay qaadan doonto wakhti dheer ayna wax badan ku kici doonto arrintaasi.

Xigasho BBC

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images