Awdalpress(Borama) 30 Aug.2016– xildhibaanada labada gole ee somaliland kaga jira gobolka Awdal ayaa soo gaadhay magaalada Borama, xubnaha wakiilada iyo guurtida ee reer Awdal ayaa imaatinkoodu la xidhiidhaa sidii ay uga arinsan lahaayeen khilaafka cusub ee lix tuulo oo ka mid ah Awdal la doonayo in gaar looga saaro gobolka ay xubnahani ka soo jeedaan, waxaana la filayaa in xubnahani la tashadaan waxagaradka, siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka ka soo jeeda Awdal, si ay u soo saaraan go’aan ay ka midaysan yihiin bulshada Awdal oo la xidhiidha Lixda tuulo.
Dastuurka Somaliland ayaa isagu tilmaamaya qaabka loo maaraynayo hadii khilaaf xuduudeed soo kala dhexgalayo gobolo ama degmooyinka dalka, taas oo dastuurka somaliland ku qeexayo in xuduudaha lagu kala baxayaa yihiin kuwii 1960 ee xiligii maxmiyada ingiriiska.
Ilaa iyo hada xukuumada Siilaanyo waxay ka waji dadbaysaa inay xeerkaasi raacdo.
Awdalpresd
↧
Borama: Xildhibaanada Awdal ee labada gole oo ku soo wajahan magaalada
↧





