Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

OGEYSIIS….OGEYSIIS. Ugaaska Gadabuursi oo ku baaqay kulan deg deg ah iyo kulanka oo ka dhici doona magaalda Ottowa. ( Maxay tahay sababtu? )

$
0
0

Ugaaska Gadabuursi oo immiga ku sugan dalka Kanada ee carriga Amerika. Ayaa ku baaqay kulan lagaga wada tashanayo sidii loo baajin lahaa dhib iyo dhiig ka dhaca degaannada galbeedka Somaliland ee muranka la geliyey, isla markaana loo heli lahaa xuquuqda ay leeyihiin dadka degaannadaasi.

 

Ogasiis Mihiim ah (1)

 

Sida laga warqabo maalmahan, waxa cirka isku shareeray xiisad dhinaca dhulka ah oo u dhexeeya gobollada Awdal iyo Maroodi jeex, murankaasi oo ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin, oday dhaqameedyo iyo xukuumadda Somaliland.

 

 

 

Khilaafkuna waxa uu ka dhashay lix goobood oo hore loogu diiday in ay dadkoodu iska diiwaan geliyaan goobahaasi, balse dadkii dhulkaa deggenaa ay iska diiwaan geliyeen meelaha kale ee ku dhaw. Muddadii diiwaan gelintu ka socotay degaannada Awdal iyo Salalna waxa goobahaasi ka dhacay shaqaaqo ay hoggaaminayeen Salaadiin oo hubka la isku gurtay. Xukuumadda Somalilandna waxa ay arrintaa u xidh xidhay Salaadiin iyo dad ay dagaal gelinayeen.

 

 

 

Si kastaba arrini ha ahaatee waxa usbuucan mar kale soo cusboonaatay shaqaaqada lixdii goobood oo ay dawladdu go’aamisay in dib looga bilaabo is-diiwaan gelintii, waxana arrintaasi ay hiil u noqotay siyaasiyiintii iyo odayadii ka soo jeeday gobolka Maroodi Jeex oo u arkay tallaabo ay ku hanan karaan dhulka ama degaannadaasi ay lixda goobood xukumaan. Isla markaana ay dad badan ka daabulaan Hargeysa iyo nawaaxigeeda iyaga oo geynaya lixdaa goobood. Maaddaama aanay dadkii degaankaasi mar kale iska diiwaan gelin karin lixdaa goobood.

 

 

 

Hase yeeshee waxa tallaabadaa ka biyo diidsan shacabka iyo odayada degaanka lixda goobood, oo ku doodayey in dadkii lixdaa goobood hore loo diiwaan geliyey, degaannaduna ay ka tirsan yihiin degmada Lughaya gobolka Awdal. Waxana ay ku hanjabeen in haddii go’aankaa dawladdu ku xalaalaysay in diiwaan gelin dib looga bilaabo la arki doono wax aan la filayn iyo ammaan darri ka soo cusboonaata degmooyinkaa.

 

Go’aankaasi dawladdu dib ugu diiwaan gelinayso lixdaasi goobood waxa isna ganafka ku dhuftay guddoomiyaha xisbiga Wadani Abdirahman Cirro, ee u tartami doona jagada Madaxweynaha Somaliland. Laakiin xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye oo dan gaar ah ka wata diiwaan gelinta lixdaasi goobood, ayaa dhagaha ka furaystay diidmada guddoomiye Cirro.

 

Kadibna xukuumadda Somaliland ayaa degaannadii amma goobihii lixda ahaa durba saartay culays millatari, waxana ay geysey ciidan xoog leh. Halka dadkii degaankuna ay noqdeen kuwa degaankii ka qaxa iyo kuwo dagaal yahanna ah oo hubka degta saarta.

 

Arrintan oo aan fududayn isla markaana waddammada dariska ah iyo beesha caalamkuba ka warqabaan ishana ku hayaan, ayaa waxa shabakadda awdapress.com la soo xidhiidhay gacan yaraha Ugaaska Gadabuursi oo immiga ku sugan dalka Kanada ee carriga Amerika. Waxana ay noo sheegeen in uu Ugaasku ku baaqay kulan lagaga wada tashanayo sidii loo baajin lahaa dhib iyo dhiig ka dhaca degaannadaasi, isla markaana loo meel marin lahaa xuquuqda ay leeyihiin dadka degaannadaasi.

&nbsp.

Sidoo kale dhibta kale ee degaannaasi ka jirta ayaa waxa la sheegayaa in ay ka mid tahay…. buurta Siimoodi ee macdanaha qaaliga ahi ku duugan yihiin in ay macdan ka gurtaan niman Chines ah oo garab ka haysta ama ay wada shaqaystaan Wasaaradda Macdanta Somaliland iyo siyaasiyiin dillaaliin u ah. Qodista macdantaasina ay caafimaad darro weyn ku hayso dadka iyo xoolaha ku nool degaanka ku xeeran buurtaasi.

Kulankan oo arrimahaa is wada dul fuushan lagaga hadli doono oo ku beegan bisha September 4teeda, ayaa uu Ugaasku ku baaqay in dadkiisa Gadabuursi ee kala dega Somaliland, Ethopia iyo Djabouti ay kulan deg deg ah isugu yimaaddaan magaalada Ottowa.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images