Awdalpress(Djoubti) 24 Aug, 13–Raysul wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa lagu wadaa inuu booqdo dalka Jabuuti, si uu madaxda dalkaas ugala hadlo xiriirkooda iskaashi ee ku wajahan dagaalka lagula jiro kooxaha burcad badeedda ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya.
Booqashada raysul wasaaraha oo maanta oo Sabti ah billaabanaysa ayaa lagu soo warramayaa inuu sidoo kale ku tagi doono dalalka Bahrain, Kuwait iyo Qatar.
Jabuuti waxaa la sheegay inay ka mid tahay lix dal oo Afrika ku yaalla oo uu Japan kala dhaxeeyo xiriir iskaashi oo dhinacyada sirdoonka iyo milateriga ah.
Kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah oo qafaasha maraakiibta ganacsiga, kuwa gargaarka iyo kalluumeysiga iyo dadka ajnabiga ah ee la socda ayaa lagula jiraa dagaal ay iska kaashanayaan dalal badan.
RBK