Awdalpress(Muqdisho) 05 Sep, 2016–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay si buuxda isugu diyaariyaan, kana qeyb qaataan doorashooyinka la filayo inay dhowaan dalka ka dhacaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay ka go’an tahay in doorashada labada aqal (Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose) iyo tan madaxweynaha in ay dhacdo waqtigii loogu talo galay, sida ku cad soo jeedinta guddiga federaalka ee hirgelinta doorashada dadban, laguna ayiday baaqii Madasha Hoggaamiyaasha ee 9-kii bishii Agoosto ee sanadkan 2016.
Madaxweyne Xasan ayaa ku booriyay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed inay si cadaalad ah oo hufan u maamulaan doorashada, shacabka iyo madaxda Soomaaliyeedna looga fadhiyo inay garab istaagaan.
Wuxuu sheegay in waddanku galayo marxalad taariikhi ah, sidaa darteed wuxuu faray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, dowladda Federaalka, iyo dowlad goboleedyada in laga wada shaqeeyo sidii loo xaqiijin lahaa in doorashooyinka ay si habsami leh u dhacaan iyadoo la raacayo nidaamka iyo habraaca ay dejiyeen guddiyada dooorashooyinka.
Madaxweynaha ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in muhimad la siiyo maslaxadda iyo danta qaranka, lagana dhowrsanaado eex, goboleysi iyo nin jecleysi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay doorkooda ka cayaaraan xaqiijinta in doorashada sanadkan 2016-ka ee Soomaaliya inay noqoto mid si cadaalad iyo kalsooni ku dheehan ku dhacda.
RBK




