Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ugaaska Gadabuursi Ugaas Abdirashid oo si adag uga hadlay lixda goobood ee Lughaya, Buurta Siimoodi ee macdanteeda la qoto iyo arrimo kale.

$
0
0

breaking-news-01Awdalpress – London – Ugaas Abdirashid oo si adag uga hadlay dhibaatooyinka ka jira gobollada Awdal ee Somaliland. saga oo si gaar uga hadlay dhulka muranka la geliyey ee woqooyiga Awdal, Macdanta bilaashka looga gurto buurta Siimoodi iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Waa markii ugu horreysey ee Ugaas Abdirashid uu sidan oo kale uga hadlo xaalka ay dadkiisu kaga nool yihiin Somaliland. Waxana uu ballan qaaday in uu xaqa dadkiisu ay leeyihiin aanu ka aammusi doonin. Heer caalami iyo heer gobolla uu ugu hadli doono.

Ugaas Abdirashid ayaa fadhigiisu yahay dalka Itobiya, waxana uu u dhuun daloolaa arrimo badan oo daah ka saaran yahay dadka Somaliyeed. Hadalka uu maanta u badheedhayna maaha mid si dhib yar uun uu u yidhi.

Hadalkan adag ee maanta ka soo yeedhay Ugaaska ayaa ah mid aan looga baran. Waxana uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo dadka degaannada Somaliland ay isku diyaarinayaan doorasho, hase yeeshee, beelaysiga iyo qabyaaladduna ay meel sare marayso. Isla markaana ay dagaallo ka holcayaan bariga Somaliland, galbeedkana laga cabsi qabo in ay dagaallo ka bilaabmaan.

Ugaaska oo dadka yaqaannaa ay ku xantaan in uu karaamo leeyahay, ayaa carrabka mariyey in aanu maanta u ducaynayn dadka fidmada wada.

Halkan kaga bogo hadalkii Ugaaska.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images