Awdalpress – London – Aqoon yahanno ka soo jeeda degaannada Awdal, gaar ahaan degaannada buurta Siimoodi ayaa waxa ay ku taamayaan in ay dacwad caalami ah ka gudbiyaan wasaaradda Macdanta Somaliland ee sida sharci darrada ah ugu fasaxday in nin Chines ahi uu Buurta Siimoodi bilaash uga qoto macdanta.
Wasiirka Macdanta oo dhalasho ka haysta dalka Maraykanka ayaa ku suntan in uu yahay shakhsiga dacwaddani tooska u taaban doonto, waxana uu ruqsad siiyey niman tuug ah oo u dhashay China in ay buurtaa macdanteeda gurtaan. Dadkii degaankaasina waxa ay marar badan cabasho ka muujiyeen qiiqa iyo sunta mishiinnada macdanta qodaa in ay dhibaato caafimaad ku hayaan.
Arrimaha dacwaddaa iyo daba gal ay shabakadda Awdalpress ku samayn doonto dhibaatada qodaalka macdantaasi u leedahay shacabka dhulkaa deggen iyo dhaqaalaha macdantaa laga helaa meesha ay tagto ayaan idiin soo gudbin doonnaa.
Awdalpress






