Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Marwo Zam Zam iyo haldoorka haweenka reer Somaliland ma geyaan af-lagaado iyo cay.

$
0
0

zamzam

Zamzamey raalli noqo.

 

 

 

Wasiir Zamzam Abdi Aden iyo haween fara ku tiris ahiba waxa ay ka soo dhex bexeen haween weynaha reer Somaliland ee dulman, ee aan ognahay in dhaqankeennu ka hiilliyey. Wakhtigan aan arkayno ilbaxnimada bani’aadanku halka ay maraysana, lama oggola in la isku dayo sii wadista cunsuriyadda, yasidda haweenka iyo cadaadiskaa dumarka lagu soo hayey muddadda dheer. Saxaafaddana waxa laga filayey in ay u hiilliso, balse in ay karbaashto loogama fadhiyin.

 

 

 

Warar iyo youtube isa saarraa oo aan shalay ka fiirsaday shaashadaha saxaafadda reer Somaliland qaar ka mid ah, gaar ahaan kuwo reer Awdal qaarkood, ayaa qof kasta oo damiir lahaa aad uga yax-yaxay ama ka cadhoodeen, aad uga qiiroodeen, oo qaar aan ka mid ahay ay ka ilmeeyeen, sida aan xushmadda iyo dhaqanka toosan ahayn ee ay gabadha walaashood ah saxafiyiinta qaar ugu mashquuleen cayda badheedhka ah iyo nacasnimada ay kula dul kufeen haweenayda qaaliga ah ee Zam-Zam Abdi Aden oo ah wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Dhalliili haddii ay jirto saxafiga gobta ahi waxa uu maraa dariiq edeb leh oo loo sheego, Wasiiradduna waa mas’uul la dhalliili karo. Balse sida dhacday ee aan saxaafadda ka aragnay waa mid waalli ah oo aan loo dul qaadan karin. Waxana ay ka baxsan tahay xadkii saxaafadeed iyo akhlaaqiyaadkii madaniga ahaa.

Dad badan oo aan arrintaa kala sheekaysannay ayaa dhammaantoodba ka biyo diiday sida foosha xun ee loogu tun tuunsaday in shakhsiyadda wasiirradda lagu wax yeelleeyo. Shabakadda Awdalpress iyo hawl wadeennadooduna aad ayey uga xun yihiin in mihnadda saxaafadda loo isticmaalo qaab aan fiicanyn oo weliba xadka ka baxsan.

 

 

 

Wasiir Zamzam Abdi Aden iyo haween fara ku tiris ahiba waxa ay ka soo dhex bexeen haween weynaha reer Somaliland ee dulman, ee aan ognahay in dhaqankeennu ka hiilliyey. Wakhtigan aan arkayno ilbaxnimada bani’aadanku halka ay maraysana, lama oggola in la isku dayo sii wadista cunsuriyadda, yasidda haweenka iyo cadaadiskaa dumarka lagu soo hayey muddadda dheer. Saxaafaddana waxa laga filayey in ay u hiilliso, balse in ay karbaashto loogama fadhiyin.

 

 

Arrinta cashuurta Qaadka ee hadalka lagu aflagaadeeyey uu ka bilawdayna waa mid mudan in sharci ahaantiisa dib loogu noqdo. Oo ay golaha baarlamanku eegaan cidda muranka dhalisay, ee soo amartay Meyerka Borama. Hawshaasina waxa ay u taallaa wasiirradda, oo aan ka codsanayno in aanay halkaa kaga hadhin. Waayo, waxa la og yahay in guddoomiyaha golaha degaanka amar laga soo siiyey Hargeysa, cidda soo siisayna ay dan gaar ah la hayd.

 

 

Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa iyana in laga digtoonaada ah hadallada iyo ficillada ay saxafiyiinta qaar kula dul dhacayaan haweenkeenna xushmadda innaga mudan. Ee lagaga tirada badan yahay siyaasadda.

 

 

Sida aad jeceshahay in aad u dhawro sharafta hooyadaa iyo ta walaashaa,  u dhawr sharafta dumarka Somaliland.

 

 

Ahmedweli Goth


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images