Awdalpress – Hargeysa – Guddoomiye Jamaal Daahir oo fadhigiisu yahay magaalada Chicago ee Illiois State ayaa ka mid ah haldoorka soo gaadhay magaalada Hargeysa ee ka qayb galaya shirka golaha dhexe ee xisbiga Wadani uga qabsoomi doona halkaasi.
Jamaal Daahir Shirdoon oo ah siyaasi fir fircoon oo intii uu xisbiga ku jiray muujiyey hawl karnimo iyo dadaal dheeri ah, ayaa ka mid ah dadka aadka u taageersan musharrax Amb. Mohamed Ali, oo la filayo in uu ku soo baxo musharraxa Madaxweyne ku xigeenka u tartami doona mansabka M/xigeenka Somaliland.
Waxana guddoomiye Jamaal Daahir loo sameeyey soo dhaweyn bulshadiisu ay ku soo dhaweeyeen dalkiisa hooyo iyo soo dhaweyn ay xubnaha xisbiga ugu sarreeyaa ku qaabileen.
Mar uu saxaafadda la hadlayeyna waxa uu yidhi:
Awdalpress





