Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shirkii Waddani oo lagu doortay musharrixiinta Abdirahman Cirro iyo Mohamed Ali.

$
0
0

breakingnews-460x250Awdalpress – Hargeysa – shirkii Waddani oo maalintii saddexaad golaha dhexe uga socda Magaalada Hargeysa ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la soo gaba gabeeyo.

 

Daqiiqado ka horna waxa dhammaatay codayntii lagu dooranayey Musharraxa Madaxweynaha Waddani iyo Musharraxa M/xigeenka Waddani oo u tartami doona doorashada bisha March 2017ka ka dhici doonta Somaliland.

 

Habsami u socodka shirka sida sharrafta leh ee ay ergooyinka iyo musharrrxiintu ugu wada faraxsanaayeen shirka ayaa ahayd mid guul ah, oo xisbigana guul u soo hoyn doonta.

 

Saacaddan aan joognana waxa ergooyinku ku mashquulsan yihiin is nabad gelyeyn iyo wada farax ay isku salaamayaan qosol iyo ereyo duco ah. Waxana ay si gaar u hambalyeynayaan Musharrixiinta Abdirahaman Cirro, Mohamed Ali iyo Ahmed Muumin Seed.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images