Awdalpress – London – Guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani Mudane Abdirahman Abdillaahi Cirro oo noqday musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani. Ayaa u codeeyey musharraxa M/xigenka Waddani Ahmed Muumin Seed.
Sidaasina waa sunnaha dimuqraaddiyadda iyo ixtiraam uu u qabo ku xigeenkiisa xisbiga ee ay muddada dheer soo wada shaqaynayeen.
Ahmed Muumin Seed oo runtii muujiyey hawl karnimo, loona qiray in uu yahay siyaasi qiimo weyn ku dhex leh xisbiga, isla markaana hantay qalbiyo badan ayaa dad badani u hambalyeynayaa. Waxana ay qaarkood leeyihiin waxa uu mudan yahay billad geesi.
Mohamed Ali Aw Abdi oo ah musharraxa ku guulaystay jagada M/xigeenka Waddani, ayaa isna loo hambalyeynayaa.
Awdalpress





